Quantcast
Channel: .warka – puntlandi.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 12512

(Sawirro) Wafdigii Dowlada Puntland U Dirtay Muqdisho Oo Maanta Soo Siyaartay Qabriga Marxuumad Saado Cali Warsame, Dowlada Somaliyana Si Adag Ugu Sheegay In Daba Gal Lagu Sameeyo Dadkii Dilka Gaystay.

$
0
0

(Pi Muqdisho) Iyada oo maalinkii shalay ay magaalada Muqdisho gaareen wafdi ballaaran oo kasoo kicitamay magaalada Garowe ee casimadda Dowladda Puntland wafdigaas oo isugu jiray wasiiro, odayaal dhaqameed iyo saraakiil kala duwan ayaa waxa ay maanta soo siyaarteen qabriga Alle ha u naxariistee marxuumad Sado Cali Warsame oo labo maalin kahor lagu dilay magaalada Muqdisho.

Wasiirka Duulusta Hawada iyo Garoomad Dowladda Somalia Siciid Qoorsheel,Sarakiil ka mid ah xafiiska ra’iisal wasaaraha iyo odayaal dhaqameed kala duwan ayaa iyaguna qayb ka ahaa booqashada qabriga alle ha u naxariistee Xildhibaan Saado Cali Warsame.

Ra’iisal wasarihii hore ee Somalia Cali Max’ed Geeddi ayaa ka mid ahaa masuuliyiinta soo siyaartay qabriga marxuumad Saado Cali Warsame, waxayna dhamaantood ilaahay uga baryeen Marxuumadda inuu janadii fardowsa ka waraabiyo, umada soomaliyeed iyo dadkii ay ka tagtayna uu samir iyo iimaan kasiiyo .

Wasiirada Dowladda Puntland ayaa qabriga dushiisa si adag uga sheegay sheegay in maadaama ay Xildhibanad Saado Cali kasoo jeeday Puntland aysan indhaha ka laaban doonin sidii loo keeni lahaa caddymo rasmi ah, caddaymahasna ay uga fadhiyaan Dowladda Somalia.

Waxay kale oo sheegeen in sharciga iyo caddaaladda la horgeyn doono cida ka danbaysay dilka xildhibaanad Saado Cali Warsame.

Wafdiga Dowladda Puntland ayay ahayd inay isla manta oo jimce ah kasoo labtaan magaalada Muqdisho, hase ahaatee codsi uga yimi xafiiska ra’iisal wasaaraha Somalia ayay ugu baaqdeen muqdisho, waxayna cawa fiidnimadii kulan afur ah la qaadan doonaan madaxda Dowladda Somalia.

–DHAMAAD–

IMG_0547 IMG_0533 IMG_0496 IMG_0505 IMG_0420 IMG_0489 IMG_0417 IMG_0490 IMG_0487 IMG_0414 IMG_0411 IMG_0407 IMG_0410 IMG_0479 IMG_0474 IMG_0471 IMG_0406 IMG_0405 IMG_0463 IMG_0466 IMG_0461 IMG_0456 IMG_0452 IMG_0431 IMG_0436 IMG_0448 IMG_0420 IMG_0422 IMG_0426 IMG_0411 IMG_0414 IMG_0417 IMG_0405 IMG_0406 IMG_0407 IMG_0403

Xafiiska Warfafinta,Wacyigelinta,Hiddaha iyo dhaqanka
Ee Madaxtooyada Puntland

Puntlandi.com- Muqdisho


Viewing all articles
Browse latest Browse all 12512

Trending Articles