Quantcast
Channel: .warka – puntlandi.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 12512

War Deg Deg ah–Dowlada Puntland oo goordhow ka hadlaya mowqifkooda Arimaha Jubooyinka iyo dowlada Federaalka ah

$
0
0

Garowe–Isniin, 27 May. 2013– Pi– Tan iyo maalmihii lasoo dhaafey waxaa saxada siyaasada soomaaliya harqiyey hadalo ay isdhaafsanayaan Dowlada federaalka ah iyo Dowlada Jubaland, iyadoo dhinaca kalena ay Dowlada federaalku Dhamaan golihii wasiiradu ay ku howlan yihiin arimaha Jubooyinka, dhinaca Kismaayo waxay ku eedeynayaan Dowlada Federaalka iney carqalada, amaan xumo iyo iska horkeenid shacab ay Wadaan Masuuliyiinta ugu sareeya Dowlada Federaalka ah.

Dowlada Puntland ayaa iyagu wali ka aamusan xaalada Jubooyinka, Waxaana goor  dhow magaalada Garowe Shir jaraa’id ku qabanaya Madaxweynaha Dowlada Puntland Dr. Cabdiraxmaan Faroole.

Afhayeenka Dowlada Puntland Axmed Xirsi Cumar (Libaax joore) ayaa u xaqiijiyey Puntlandi in uu Madaxweyne Faroole uu goor dhow ka hadli doono Xaalada siyaasadeed ee Soomaaliya, lakiin Afhayeenku wuu ka gaabsadey inuu tafaasiil ka bixiyo.

Ilo wareedyo dublamaasiyadeed oo Garowe ku sugan ayaa Puntlandi u xaqiijiyey in dowlada Puntland ay shaacin doonto Mowqifkooda siyaasadeed ee Arimaha Jubooyinka Xaaladaha ka soo cusboonaadeey.

Kala soco Puntlandi.com Shirka jaraa’id ee lagu wado inuu Madaxweyne Faroole qabto 4 galabnimo saacada Garowe

 

Puntlandi.com

Garowe


Viewing all articles
Browse latest Browse all 12512

Trending Articles