Quantcast
Channel: .warka – puntlandi.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 12512

(Sawiro) Jaamacadda Bariga Afrika oo bilowday Barnaamij Waxbarasho oo lagu darsayo maaraynta deegaanka.

$
0
0

(Pi Garowe) Jaamacadda Bariga Afrika qeybteeda magaalada Garowe ayaa maanta furtay barnaamij waxbarasho oo labo sano oo lagu baran doono maaraynta kheyraadka dabiiciga ama barashada deegaanka.

Barnaamijkaan oo ay galinayso Midowga Yurub oo usoo maraya Hay’adda Care International ayaa la shaaciyay inay ka faa’idaysandoonaan 30 arday ah oo lagasoo kala xulidoono dhammaan gobolada Puntland.

Munaasabad lagu furay barnaamijkaan oo lagu qabtay xarunta jaamacadda ee Garowe ayaa waxaa kasoo qeyb galay mas’uuliyiinta ka socday hay’addaha dowladda, quburo ku xeeldheer arimaha deegaanka, wakiilka hay’adda Care ee Puntland iyo tiro arday ah oo doonaysa inay barnaamijkaan ka faa’idaysato.

Dr Cabdi Qani Axmed Faarax oo ah maamulaha machad lagu magacaabo Maaraynta deegaanka oo lagu aas aasayo waxbarashadaan labada sano ayaa sheegay inay ardayaan barandoonaan casharada kala ah barashada daaqa iyo duur joogta, barashada maaraynta Keymaha iyo barashada deegaanka.

Dr Cabdi Qani ayaa sheegay baahi machadkaan inay ka timid cilmi baaris deegaan oo la sameeyay. Wuxuuna sheegay  ardaydaan marka ay dhameystaan daruustooda in loo diyaarindoono shahaadada koowaad ee jaamacadda.

Gudoomiyaha jaamacadda Afrika Sheekh Maxamuud Xaaji Yuusuf oo ay jaamacadiisa hurmuud u tahay waxbarashadaan ayaa sheegay muhiimada deegaanku inay taabanayso dhinac walba oo ah nolasha Aadanaha isagoo sheegay inay jaamacadda waqti ku bixisay hirgalinta machadkaan iyo manhajkiisa barashada deegaanka.

Cali Axmed Godane oo ah agaasimaha hay’adda Care ee Puntland  ayaa sheegay mustaqbalka dhow machadkaan inuu noqondoono halka lagasoo saaridoono dhallinyaro aqoon fiican uleh deegaanka islamarkaana fidindoona wacyi galinta. Wuxuuna dowladda ka rajeeyay inay shaqaalaysiindoonto dhallinyaradaan.

Wasiirka beeraha iyo waraabka Puntland Cabdi Ismaaciil Boos oo ugu dambayn hadlay ayaa sheegay haddii aan muhiimad gaar ah lasiin ilaalinta deegaanka inay nolasha bini’aadamka qatar ku sugan tahay.

Daawo Sawiradda;-

Puntlandi.com-Garowe.

DSC_1423 DSC_1424 DSC_1425 DSC_1426 DSC_1427 DSC_1428 DSC_1429 DSC_1430 DSC_1431 DSC_1432 DSC_1434 DSC_1435 DSC_1437 DSC_1438 DSC_1442 DSC_1443 DSC_1444 DSC_1446 DSC_1447 DSC_1448 DSC_1449 DSC_1450 DSC_1452 DSC_1453 DSC_1454 DSC_1459 DSC_1460 DSC_1461 DSC_1464

 

 

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 12512

Trending Articles