(Pi Garowe) Dowladda Puntland ayaa galabtay soo gabagabaynaysa tartankii 7-aad ee kubadda cagta gobolada Puntland oo soo bilowday 10-kii bishaan.
Tartankaan ayaa lagusoo afmeerayaa gobolada Nugaal iyo Sool oo iskugusoo baxay wareegii ugu dambeeyay ee tartanka iyagoona ku loolamaya cidii hanan lahayd koobka.
Agaasimaha guud ee dhallinyarada iyo ciyaaraha Puntland Axmed Cabdalla Tigaana ayaa shir jiraa’id oo uu ku qabtay xarunta wasaaradda wuxuu sheegay inay ciyaarta galabta si wanaagsan ugu diyaar garoobeen oo ay ku dhicidoonto sidii loogu talo galay.
Amaanka garoonka ayaa aad loo adkeeyay . Waxaana ka qeybgalidoona madaxda dowladda Puntland iyo marti sharaf kale oo ka kala imaandoonto gudaha iyo dibada.
Taageerayaasha labada koox ayaa aad isugu diyaarinaya daawashada ciyaartaan. Waxaana aad loo buux dhaafiyay goobaha laga goosanayo kaararka lagu galayo ciyaarta oo iyaguna laga dhigay 30 oo shilinka Soomaaliga ah.
Puntlandi.com- Garowe