Jabuuti (Puntlandi): Madaxweynaha Dowlada Puntland Mudane Professor C/Weli Maxamed Cali Gaas iyo Wasiiru-Dowlaha Madaxtooyada iyo Xiriirka Caalamiga Dr. Maxamed Cabaas Cumar ayaa maanta magaalada Jabuuti kula kulmay madaxda bangiga weyn ee laga leeyahay dalka Yemen ee lagu magacaabo Saba Islamic Bank oo uu mas’uul ka yahay Naasir C/Weli Xassaan oo ah maareeyaha guud ee Saba Islamic Bank. Kulankan ayaa ka dhacay hotel-ka weyn ee caanka ah ee lagu magacaabo Kempinski.
Saba Islamic Bank ayaa waxay codsadeen in ay diyaar u yihiin in ay maalgashi ku sameeyaan Puntland iyaga oo talaabada koowaad ay noqon doonto in ay bangi ka furtaan Puntland. Dowlada Puntland ayaa iyadu cadeysay in ay soo dhaweynayso cid kasta oo maalgashi ku samaynaysa Puntland diyaarna u ah in ku dhaqmaan shuruucda ay Dowlada Puntland u dejisay maalgashiga shisheeye. Kulanka ka dib, ayaa Wasiiru-Dowlaha Madaxtooyada iyo Xiriirka Caalamiga Dr. Maxamed Cabaas Cumar iyo Wasiirka Ganacsiga Puntland Mudane Maxamuud Soocade waxay booqasho ku tageen dhismaha Saba Islamic Bank eek a furan Jabuuti si ay indhahooda ugu soo arkaan qaabka uu u shaqeeyo Saba Islamic Bank.
Madaxda sare ee Saba Islamic Bank ayaa lagu casuumay in ay soo booqdaan Puntland si ay indhahooga ugu soo arkaan nabada iyo dhaq-dhaqaaqa dhaqaale ee ka jira deegaamada kala duwan ee Puntland. Saba Islamic Bank ayaa lagu wadaa in uu noqdo Bangigii ugu horeeyey ee caalami ah ee laga furo Puntland.
Hoos Ka Daawo Sawirada;-
Puntlandi, Djibouti.