(Pi Garowe) Dr Cali Macow Aways oo ah dhaqtar si weyn looga yaqaano dhulka Soomaalida islamarkaana dalka dibadiisa xarumo caafimaad kuleh ayaa maanta markii ugu horeysay soo gaaray magaalada Garowe ee xarunta dowladda Puntland.
Mas’uuliyiin katirsan dowladda Puntland iyo qeybo badan kamid ah ayaa kusoo dhaweeyay garoonka diyaaraddaha ee magaalada Garowe.
Duqa degmada Garowe Cabdi Casiis Nuur Cilmi Koor oo saxaafada kula hadlay garoonka diyaaraddaha ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin in Dr Macow uu yimaada Puntland markii ugu horeysay. Wuxuuna sheegay inay ka rajeynayaan in Puntland ka fuliyo barnaamijyo caafimaad oo looga lagu taageerayo shacabka danta yar.
Dr Cali Macow Aways oo saxaafada lahadlay ayaa sheegay qaabka looso dhaweeyay inuu ku tilmaami karo mid muujinaysa Soomaalinimada rasmiga ah ee lagu yaqiinay dadka reer Puntland.
“Dadka reer Puntland waxay iimuujiyaan Soomaalinimo, Waligayna ma arag qaabka la iisoo dhaweeyay. Waxaana shacabkayga Puntland uhuridoonaa aqoontii aan kala imid dibada,” ayuu sheegay Dr Macow.
Dr Macow ayaa hadalkiisa ku daray inuu muddo saddex bilood ah ku sugnaandoono Puntland isagoo balaqaaday inuu dhiigiisa shacabka reer Puntland u sameyndoono gargaar caafimaad oo balaaran.
Wuxuu sheegay inuu rajeynayo inay Garowe noqoto xaruntiisa koowaad si uu ugasoo guuro dalka Jarmalka oo uu haatan ku leeyahay xarun caafimaad oo weyn.
Dr Cali Macow Aways ayaa safarkaan safarkiisii ka horeeyay waxaa lagu xiray magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Soomaaliland. Waxaana lagu sheegay xargiisu inuu ahaa mid loogasoo horjeeday inuu xarumo caafimaad ka furto Soomaaliland.
Halkaan ka dhageyso codka Duqa Garowe iyo Dr Macow.
Daawo Sawirada soo dhaweynta Dr Macow.
Puntlandi.com- Garowe