Quantcast
Channel: .warka – puntlandi.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 12512

Warbixin ku saabsan Cidii ka dambeysey isku daygii lagu khaarajin lahaa Yaasiin Raadaar, sidii lagu soo qabqabtay maleeshiyaadkii falka geystey iyo Ujeedadii ka dambeysey isku dayga

$
0
0

Warbixintaan waxay ku saabsan tahay sababtii la isugu dayay in la dilo Yasiin Raadaar, Habkii loo qabqabtey Maleeshiyaadkii fuliyey isku dayga iyo Maleeshiyaad kale oo iyana la qabqabtay.

Ninka oo kiyaalaha qabaa Waa Yasiin Radaar

Ninka oo kiyaalaha qabaa Waa Yasiin Radaar

Kismaayo–18 Juun,2013–Puntlandi.com– Malayshiyaadkii dhawaca u geystey Yaasiin Raadaar ayaa weerarkoodu ahaa mid qorsheysan oo lagasoo abaabuley meelo Magaalada ka baxsan, Yaasiin Radaar ayaa maanta isku dayay inuu ciidan dhowra oo jidgooyo sameyey ayna isaga isku hayb yihiin uu lasoo hadlo, markuu u tagay wax yar ka dib waxaa dhinaca gadaale uga yimid laba nin óo isla maleeshiyaadka ahaa oo meel ku gabanayay waxayna rasaas ooda uga qaadeen Yaasiin Radaar iyo ilaaladiisii ka dibna way kala yaaceen, waxaana halkaas ku dhawacmey Yaasiin radaar oo laba xabo Madaxa uga dhaceen.

Kooxdii falka geystey waxay markiiba bilaabeen iney dib isu urursadaan waxayna ka dul dhaceen koox kale oo ay u shegeen kana dhaadhiciyeen in Yaasiin Raadaar la diley oo ay dileen Ciidanka Raaskambooni, Waxayna markiiba bilaabeen iney si qarsoodi ah isu urusadaan, ka dibna waxay isugu tageen guri ay horey usii calaamadsadeen, iyagoo aminsan in Yasiin Radaar geeriyoodey.

Dhawacii Yaasiin radaar waxaa markiib loo cararay Dhinaca Garoonka Diyaaradaha oo uu ku yaal Isbitaal gaara oo Amsiom leeyihiin, Madaxweyne Xigeenka Jubaland Mudane Cabdullaahi Fartaag wuxuu durbadiiba isugu yeerey Saraakiisha Ciidanka wuxuuna Amar ku bixiyey in isaga loo daayo soo qabashada nimankaan falka geystey, waxaana Nimanka xabada ridey aqoonsadey mid kamid ah ilaaladii Raadaar.

Xero Ciidan oo ku taal Magaalada ayaa markiiba Madaxweyne Xigeenku war galiyey wuxuuna amrey in lasoo qabto maleeshiyaadka falka geystey dhamaantood sida ugu dhakhsaha badan.

Ciidanka Xerada oo u tabaabusheysanaya iney bilaabaan howlgalkii ay kusoo qaban lahaayeen Maleeshiyaadka ayaa waxyar ka dib waxaa Xeradii is qabsadey sawaxan, ka dib markii ay Xerada soo galeen Baabuur gaaraya sadex oo Maleeshiyo ka buuxdo kuwasoo ku dhawaaqaya “Raadaar Waxaa diley Raaskaambooniyiintii” Waxaa durba la gartey in Sadexda Baabuur ay saaran yihiin Ragii Dhawaca u geystey Radaar ee ciidanku ay doonayeen iney soo qabtaan, waxaana markiiba la isku hareereeyey Baabuurtii, ka dib markii ciidanku ay Xabado digniin ah kor u rideen.

Kooxda dhawacdey Yaasiin Radaar waxay Xerada usoo aadeen iney Marin habaabiyaan Ciidanka ku xereysnaa oo ay  iyaga,Yasiin Radaar iyo Ciidankuba ay halbeel wada yihiin ayna uga dhaadhiciyaan in Yasiin Radaar ay dileen Beel kale oo magaalada degta, si iyadoon wax la hubsan Xabad la isugu bilaabo.

Nasiib wanaag Ciidankla Xerada waxay durba heleen Warka Rasmiga ah, waxayna haysteen amar kasoo baxay Madaxweyne Xigeenka amarkasoo oranaya waa in ragaas la soo qabtaa Nolol ama dhimasho, intii loo tabaabusheysanayay sidii lagusoo qaban lahaa ayay iyagii iskeeneen, sidaasaana lagu qabtey Ragii ka dambeyey isku dayga, waxaana hada ku socda Baaritaan ku aadan cidda ka dambeysey Weerarkaan qorshaysan.

durba waxaa xerada soo gaarey Madaxweyne xigeenka iyo Saraakiisha Ciidanka Jubaland waxaana markii loo waramay loogana sheekeeyey qisadii dhacdey la ogaadey in Arintu ay ahayd mid qorsheysan Yasiin Radaarna la doonayay in la khaarajiyo si Dagaal iyo Qas magaalada looga abuuro.

Yasiin Radaar hada waxaa lagu daweynayaa Isbitaal ku yaal Nairobi, oo goor dhawayd la geeyey, kala soco Puntlandi oo xaaladiisa caafimaad la socda, wixii soo kordha.

Puntlandi.com

Kismaayo 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 12512