Quantcast
Channel: .warka – puntlandi.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 12512

Maqaal:-Indhoole dhalanteed arkaya!

$
0
0

Dhalinyarada ayaa waxaa lagu tilmaamaa inay yihiin awooda ama tiir dhexaadka ummad ama shacab leeyahay, dhalinyaradu waa halka laga maleeyo ama laga cabiro masiirka wadan yeelan doono.

Guud ahaan aduunka waxaa la isku raacay in dhalinyaradu yihiin qaybta ugu badan ee bulshada, badnaanshhaa ka sokow dhalinyaradu waa iftiinka shacabka waa wax soo saarka wadanka, waa xooga maanta iyo hogaankii barri.
Hadaan dib u milicsano dhalinyaradii soomaaliyeed ee barisamaadkii waxay ahaayeen kuwo naf iyo maalba u huray wadankooda waxay ahaayeen kuwo isku duuban hadafkooduna hal yahay, waxay ka iska fogeyn jireen wax kasta oo khilaaf ka dhex dhalin kara wiiqina kara wada jirkooda.

Waxaan tusaale u soo qaadanayaa dhalinyaradii caan baxday ee halganka wayn u galay hanashada xoriyada aan maanta ku naaloonayno, dhalinyaradaas waxaa lagu magacaabi jiray SYL. Tiro ahaan waxay ahaayeen kuwo aad u yar laakiin waxay lahaayeen hal hadaf oo ay higsanayeen kaas oo ahaa hanashada xoriyada soomaali weyn.

Intaasi guud mar ha iga ahaatee aan hada dib ugu soo laabano xaalada dhalinyarada maanta.

Dhalinyarada aan kasoo sheekeynay waxaa ka danbeeyey kuwo hadafkoodu yahay ka haajirida wadankooda hooyo ayagoo naftooda ku biimeynaya safaro khatar ah oo ay aad u adagtahay in laga badbaado.

Maqaalkaan ayaan waxaan uga hadli doonaa hadii ALLE idmo Tahriibka dhalinta soomaaliyeed ee wadankooda ka tagaya anigoo raacin doona qodonka ugu muhiimsan ee u horseeda dhalinyarada inay tahriibaan.

Da’yar soomaaliyeed oo tiro dhaaf ah ayaa sanad walba ka haajira wadankooda hooyo ayagoo mara marino aad u khatar badan oo bad iyo birri ba leh, inta ay safarka ku gudo jiraan ayey waxay la kulmaan dhibaatooyin aad u faro badan kuwaas oo ay ka midyihiin dil dhaawac iyo fara xumayn loo gaysto gaashaantida soomaaliyeed.

Waayahaan danbe ayaa waxaa aad u soo batay fariimaha geerida xambaarsan ee ka imaanaya saxaraha iyo badda u dhaxaysa Libia iyo Italy,halkaas oo ay sanad walba ku le’daan dhalinyaro aad u faro badan. Hadalada ugu badan ee waayaan danbe meelaha bulashadu isugu timaado hareeyay ayaa waxaa ka mid ah hebel wuu dhintay, hebel waa dhaawac, hebel ama hebla magafe ayaa madax furasho u haysta, hebla waxaa xoog ku kaxaystay qowlaysato aan haybtooda la aqoon, hooyo hebla waxay gurigeedii u xaraashtay inay magafe wiilkeedii ka siidayso, hebel ama hebla doon ayaa badda la dul sabaynaysa iwm.
Dhagahayagu daanooyin u adkaysi badanaa uurkayaguna ilowsho dhawaa geeriba geeri nooga daranaa!!! Yaa Allaah adaa noo maqan!!.

Ayadoo intaas oo dhib ahi ay meeshaa ka jiraan ayaa hadana waxaa jira dhalinyaro hor leh oo ku haminaysa inay halkaa maraan ayagoo iska indha tiraya dhibka ka ay kala kulmayaan.

Hadaba akhristoow anoo kaaga mahadcelinaya waqtiga aad akhriska maqaalkaan ku bixisay ayaa hadana su’aasha aan ogahay inay maskaxdaada ku soo dhacayso waxay tahay maxay tahay sababta rasmiga ah ee ka danbeysa inay dhalinyaradu safarkaas naftoodu ku biimeeyaan?
Jawaabta su’aashaas ayaa dadku meelo badan ka fiirshaan ayadoo dadka qaarkiis ay ku andacoodaan inay ugu horeeyaan qodobada hoos ku qoran walow aan anigu aaminsanahay inuu qodob ka wayni jiro .

Shaqo la’aan
Wax barasho la’aan
Nabad galyo la’aan
Xurmo la’aan iwm.
Qodobaas kor ku xusan ka sokow waxaan aaminsahay inuu jiro qodob ka wada horeeya kaas oo dhalinyarada ku dhiiri galiya inay tahriibaan qodobkaas ayaan waxaan ugu magac daray “Indhoole dhalanteed arka”
Indhoole dhalanteed arka
Waxaa laga yaabaa in dadka qaarkiis iswaydiiyaan muxuu qoraagu ka u isticmaalay labaan eray ee kala ah ”indhoole” iyo “dhalanteed” waxaadse fahmi doontaan markaad qoraalka sii akhrisaan.

Waxaa jirta dhalinyaro faro ku tiris ah oo ka badbaada safarka tahriibta kuwaas oo gudaha u gala wadamo qaarada Yurub ka tirsan, dhalintaan ayaa waxaa lagu xareeyaa xeryo qaxooti oo wadamadaas ku yaala halkaas oo ay dhibaatooyin hor leh kala kulmaan oo ay ugu horayso gaajo hoy la’aan iyo midab takoor waxayna silicaas ku jiraan mudo aad u faro badan ayadooda kooda ugu fiican laga yaabo inay sanado aad faro badan ku qaadato inuu sharciga wadankaas helo.

Dhalinarada noocaas ah oo aan anigu dhalanteed u baxshay ayaa waxay adeegsadaan halku dhigyo ay ku kicinayaan saaxiibadoodii ay wadanka uga tageen halkudhigyadaas oo ay ka midyihiin:

Inay sawiro soo dhigaan baraha bulshada ay ku amaanayaan wadamada ay qaxootiga ku yihiin kuna liidayaan wadankoodii hooyo
Adeegsiga ereyga caan baxay ee ah (Africa no life) oo macneheedu yahay afirca nolol kama jirto.
Inay saaxiibadood fariimo usoo diraan ay ugu sheegayaan inay soo tahriibaan si ay ugu damaashaadaan faraxadda qurbaha waa sida ay ayagu aaminsanyihiine.

Intaas ka dib saaxiibkii wadanka gudihiisa ku noolaa oo laga yaabo inaan cid ka sadrooni jirin wuxuu u qalab qaadanayaa sidii uu hal mar Yurub u tagilahaa isagoo isla indhatiraya barwaaqada iyo xoriyada uu wadanka ku haysto taasina waa sababta aan asna ugu magacaabay ama ugu adeegsaday indhoole waayo wuxuu arki waayay barwaaqada Alle wadankiisa ku manaystay taa badalkeedana waxaa u muuqda dhalanteedkii aan ka soo sheekaynay.

Hada waxaan waxaan filayaa inaad fahanteen indhoole dhalanteed arkaya sababta aan u isticmaalayna waxay tahay ka indha la’aanta dhalinyarada wadanka joogta wadankooda iyo hiigsiga dhalanteedka ay dhabta moodayaan ee qurbaha ka jira.

Waxaan maqaalkaan ku soo uruurinayaa fariin guud oo aan dhalinyarada soomaaliyeed ugu dirayo inay wadankooda iimaansadaan iskana daayaan dhulka shisheeye ee ay naftooda ku haligayaan.

Lama huraan waa cawska jiilaal!!!
Haybad waxaad ku leedahay dhulkaaga hooyo!
Wabilaahi towfiiq
Waa qalinkii Bashiir Suuley
Email: Bashka057@Gmail.com

Qoraalka wuxuu gaar u yahay qoraaga qoray,looma tarjuman karo aragtida Puntlandi.com.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 12512