(Pi Garowe ) Dowladda Puntland ayaa soo dhaweysay go’aankii uu qaatay Maxamed Siciid Atam oo ahaa hogaamiyihii hore ee kooxda Alshabaab uqaabilsanaa buuraha Galgala, kaas oo galabtay ku dhawaaqay inuu isaga baxay maleyshiyada Alshabaab.
Wasiirka amniga Puntland Xasan Cismaan Maxamuud Aloore oo goor dhowayd lahadlay warbaahinta ayaa sheegay inay muddo 10 cisho ah la socdeen inuu Atam doonayay inuu isisoo soo dhiibo . Isagoo sheegay inaysan dowladda Puntland waxba dhib ah u arag haddii ay dowladda federalka gacan kuhayso islamarkaana ay marinayso wixii waajibaad ah oo looga baahan yahay.
Wuxuu sheegay wasiirku amnigu in sanadkii 2012 uu Maxamed Siciid Atam iskudayay inuu Puntland kusoo galo qaab cafis ah . Laakiin wuxuu sheegay inay dib u dhigtay sharuudo ay ku xirtay xukuumadii hore ee Puntland.
Halkaan ka dhageyso codka wasiirka amniga.
Puntlandi.com- Garowe.