Ka dib Markii Saaka dhawac loo geystey Yaasiin Nuur Radaar oo ka mid ah Masuuliyiinta Dowlada Jubaland kaasoo dhawiciisu uusan sahlnyn isla markaasn lagu daweynayo Isbitaalka Amisom ee Garoonka Diyaaradaha, hdana guud ahaan Magaaadu waa Xasiloontahay.
Mid ka mid ah Msuuliyiinta Maglada oo an goor dhaweyd la xiriirney wuxuu yiri” aad iyo aad by Mgaladu u degantahay, Radaar cida weerark iyo dhawaca u geysatay waa la yaqaan, waa maleeshiyo la ogsoon yahay magacyadooda, Madaxweyne Xigaankan amar ku baxshay in lagu wareegsanaado ilaa amr dmbe, insha allaah goor dhow way is dhiibayan ama waa laso qabanayaa, wax saameyn ahna kuma yeelan xaalada amaan ee Magaalada, maadaama la og yahay cida falkan geystey, laakiin waan baareynaa cidii ku lug yeelatana talaabo aan la hilmami doonin baan ka qaadeyna meeshay doonaan aduunka haka jogeene”.
Dhinaca kale Xaalada Cafimaad ee Yaasiin Radaar ayaa aad looga dayrinayaa, waxaana Wali ku socd qaliin iyo in la badbaadsho naftiisa, illaah baa wax badbaadshee.
Warar aan ka helney Xafiiska Madaxweyne Xigeenka Jubaland isla markaasna ah ku simaha Madaxweynaha Cabdullahi Farataag ayaa sheegaya iney socdan Dadaal lagu abaabulayo in Raadaar loo qaado Nairobi.
Guud ahaan Magaaladu aad bey u degantahay,man jiran wax sharan ah oo dhinacna ka yeereysa, waxaa la hadal hayaa oo qura weerarka Mudane Raadaar lagu qadey oo ay geysteen Rag qoys ahaan aad ugu dhow.
Wixii soo kordha kala oco puntlandi
Puntlandi.com
Kismaayo