(Pi Bosaso ) Wafti uu hogaaminayo madaxweynaha dowlada Puntland Dr CabdiWali Maxed Cali Gaas oo maalmihii lasoo dhaafay socdaalo ku marayay dhulka fog ee bariga Puntland ayaa maanta soo gaaray magaalada Bosaso ee xarunta gobolka Bari.
Boqolaal shacab ah iyo mas’uuliyiin katirsan dowladda ayaa Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxay kaga hortageen kontaroolka koonfureed ee lagasoo galo magaalada Bosaso iyagoo si aad usoo dhaweeeyay.
Madaxweynaha ayaa soo dhaweynta kadib ugudbay dhinaca madaxtooyada, halkaas oo la filayo inuu saxaafada kula hadlo islamarkaana uu ka warbixiyo safaradii ku tagay bariga iyo waxyaabihii ay kalasoo kulmeen.
Goor dhow la socda faafaahin iyo sawiro.
Puntlandi.com-
Bosaso