Quantcast
Channel: .warka – puntlandi.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 12512

(Sawiro) Guddoomiyaha Jaaliyadda Puntland ee Dalka Sweden oo ku guulaystay inuu u tartamo Golaha deegaanka degmada Sigtuna

$
0
0

Xassan Khaliif Faarax oo ah gudoomiyaha Jaaliyadda Puntland ee Dalka Sweden ayaa si rasmi ah ugu gulaystay inuu ka mid noqdo xubnaha u tartamaya ka mid ahaanshaha baarlamaanka degmada Sigtuna oo ka tirsan degmooyinka magaalada caasimadda u ah Sweden ee Stockholm.

Gudoomiye Khalif ayaa waxa uu liiska xildhibaanada tartamaya kaga jiraa lanbarka 49-aad , wuxuuna si rasmi ah u biixyay dhamaan shuruudaha lagu xiro qofka doonaya inuu u tartmo baarlamaanka degmooyinka dalka Swden.

Xasan Khaliif Faarax ayaa ka dhex muuqda 50-ka qof ee ugu horeeya isagoo rajadiisuna ay aad u sarrayso, waxayna taasi cadaynaysaa sida ay Dawladda Sweden u doonayso in dadka Somalida ahi ay ka dhex muuqdaan saaxadda siyaasadda ee dalka Sweden.

Xassan ayaa tan iyo markii uu ku guulaystay inuu ka mid noqdo dadka u tartamaya xildhibaanada degmada Sigtuna waxa uu taageero xoog leh ka helay dadka Somalida ah ee ku nool dalkaasi Sweden, iyadoo taageerada uu haysto xiligan ay muujinayso inuu ku guulaysan karo ka mid ahaanshaha xildhibaanada degmadaasi.

Taariikh Nololeedka Xassan Khaliif Faarax Oo Kooban.

Xassan Khaliif Faarax waa muwaadin Soomaali ah, sidoo kalena ah muwaadin Puntlander ah waxa uu ku dhashay deegaanada Puntland sanadkii 1983-dii, waxa uu waxbarashadiisa asaasiga ah ku qaatay magaalada Bosaso ee xarunta Ganacsiga Puntland isagoo dhameeyey Iskuulka IIMAAMU AL-NAWAWI Bosaso.

Sidoo kale waxa uu mudadii waxbarashadiisa asaasiga ah uu ka mid ahaa Ganacsatada Magaalada Bosaso, waxa uu sidoo kale xubin fir-fircoon ka ahaa ururrada bulshada ee Puntland isagoo shirar caalami ah iyo ku gudaha ah ka qayb galay mudadaasi.

Xassan Khaliif Faarax ayaa waxbarashada sare waxa uu kusoo qaatay dalka Paskistan gaar ahaana magaalada Islamabad, mudo 7-sano ah ayuu waxbarasho u joogay dalkaasi Pakistan isagoo shahaadada MASTER- ka ka qaatay kulliyadda dhaqaalaha iyo Maamulka Bangiyada.

Waxa uu sidoo kale shahaadooyin kale ka qaatay cilmiyada Computer-ka , IT-ga, IR-ta ama xiriirka caalamiga ah iyo waxyaalo kale oo dheeraad ah.Waqtigii uu dalka kusoo labtay waxa uu mudo sadex sano ah la shaqeeyay hay’adaha QM ee Puntland, ka dib waxa uu magaalada Djabuti kaga qayb galay doorashadii Madaxweynihii Hore ee Somalia Sheikh Sharif Sheikh Axmed.

Doorashadii ka dib waxa uu ku biiray saaxadda siyaasadda ee Dawladda Somalia, wuxuuna noqday agaasimaha maamulka iyo lacagta ee xafiiska Ra’iisal Wasaarahii hore ee Somalia Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke.

Ka hor intii uusan is casilin Ra’iisal Wasaare Cumar Cabdirashiid waxaa Xasan Khaliif waxbarasho loogu diray dalka Sweden halkaasi oo uu ilaa waqtigan ku sugan yahay waxna ka barto.

Markii uu tagay Dalka Sweden, waxa uu halkaasi ka sii waday olelihiisa siyaasadeed isagoo markii ugu danbaysay u tartamay Gudoomiyaha Jaaliyada Puntland, isla markaana si buuxda ugu guulaystay hogaankaasi.

Gudoomiye Xassan waxa uu sidoo kale  agaasime ka yahay urur lagu magcaabo  SOMGA (Somali Margenalized Group Aid Foundation)  ururkaas oo ka shaqeeya gudaha dalka iyo dibadaba.

Hadaba si kor loogu qaado sumcadda iyo karaamada dadka somalida ah ee ku nool dalka Sweden waxaa lagama maarmaan ah in taageero lixaad leh loo muujiyo Gudoomiyaha Jaaliyadda Puntland ee dalka Sweden oo u tartamaya, ka mid ahaanshaha xildhibaanada degmada Sigtuna ee nawaaxiga Stockholm Sweden.

Hoos KA Daawo Sawirada;-

www.puntlandi.com.

1 3 2

 

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 12512

Trending Articles