Jig-Jiga (Puntlandi): Madaxweynaha Dowlada Deegaanka Soomaalida Itoobiya Mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa casho sharaf soo dhaweyn ah u sameeyey Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada iyo Xiriirka Caalamiga ee Puntland Dr. Maxamed Cabaas Cumar. Kulankan oo ka dhacay guriga madaxtooyada ayaa waxaa ka soo qeyb-galay Madaxweyne ku xigeenka Koowaad ahna Hogaanka Nabad galyada maamulka iyo cadaalada Mudane C/llaahi Yuusuf Weerar, Madaxweyne ku xigeenka labaad ahna Wasiirka Caafimaadka Mudane C/Fataax Maxamuud.
Waxaa kale oo madasha ku sugnaa xubno ka tirsan golaha wasiirada oo ay ka mid yihiin Wasiirka Madaxtooyada Mudane C/Casiis Maxamed, ku Xigeenka Madaxtooyada Mudane Amiin, Wasiirka Cadaalada Mudane Cabdi Sonkor, Wasiirka Cabashooyinka Mudane Sh. Mustafe Muxumed Cigaal iyo xubno kale oo fara badan. Sidoo kale waxaa ka soo qayb-galay munaasabadan casho-sharafta ah Bishaar Xasan oo ka mid ah horjoogayaasha qurbajoogta DDSI ee ku dhaqan Cariga Boqortooyada Ingiriiska.
Madaxwaynaha ayaa tilmaamay in xidhiidh iyo iskaashi qotodheer oo soo jireen ah in uu ka dhaxeeyo labada shacab ee DDSI iyo Puntland. Wasiirka ayaa ka mahadceliyay sida qiimaha badan ee loogu soo dhaweeyay jigjiga sidoo kalana bogaadiyay taageerada dhanka waxbarashada ah ee ay xukuumadu siiso ardayda Puntland ee wax ku barata kuliyadaha iyo jaamcada Jig-jiga.