Guddoomiyaha Gobolka Karkaar Cabdiquraan Maxamed Aadan oo la hadlay Warsidaha Puntlandi ayaa ka hadlay amaanka guud ee Gobolka karkaar,shaqo yarida saamaynta ku yeelaytay dhalinyarada,waxaana uu Dolada Puntland ka codsaday inay Dayactir lagu sameeyo Guriga Gobolka Karkaar,kaasi oo la dhisay sanadkii 1937-dii.
Cabdiquraan Maxamed Aadan ayaa sheegay in amaanka guud ee Gobolku uu aad u wananagsan yahay,isla markaana ay xal u heleen Colaadaha ka dhexdhici jiray reer Guuraaga Karkaar.
‘’Shaqada waa yartahay,isuma Miisaamna,dadka Jaamacadaha dhamaynaya iyo shaqada jirta isuma dheeli tirna,waxaana rajaynayaa in Dowladu ay arrintaa wax ka qabato’’.Ayuu yiri.
Wariyaha Puntlandi ee Gobolka Karkaar Yaxye Nuur Muumin ayaa qaaday Warsiga ee hoos Ka dhagayso,kana daawo Sawiro aan idin kaso qaadnay Guriga Gobolka Karkaar;-
post@puntlandi.com.
www.puntlandi.com.