(Muqdisho Pi) Allaha u naxariistee waxaa saaka magaaladda Muqdisho lagu diley xildhibaan C/casiis Isaaq Mursal oo ka tirsanaa golaha Baarlamaanka ee dowladda Faderalka Soomaaliya.
Dilka Xildhibaanka ayaa ka dhacey Dabakaayo-madow ee degmada Dharkeenley waxaana dilka xildhibaanka gaystey kooxo ku hubaysnaa hubka fudud,waxaana kooxaha dilka gaystey ay markiiba ka baxsadeen goobta dilku ka dhacey.
Xildhibaanka la diley ayaa u soo socdey xarunta golaha Baarlamaanka halkaas oo ay Xildhibaanadda dowladda Faderalka Soomaaliya ay ku lahaayeen fadhi ay uga doodayaan Miisaaniyadda dowladda Muqdisho.
Maalintii shaley waxaa sidaan oo kale magaaladda Muqdisho qarax lagu diley Allaha u naxariistee Isaaq Maxamed Riino,ayadoo ilaa hadda aan cid loo qaban dilalka kala duwan ee loo gaystey laba mudane oo ka tirsan Baarlamaanka dowladda Faderalka Soomaaliya.
Dowladda Faderalka Soomaaliya ayaa u muuqata mid aan wax masuuliyad ah iska saarayn amaanka xildhibaanadda dowaldda Faderalka ee Soomaaliya.
PUNTLANDI MUQDISHO.