Quantcast
Channel: .warka – puntlandi.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 12512

(Sawiro) Hay’adda Diakonia oo qalab xafiisyeed ugu deeqdey gudoomiyaasha goboladda ee wasaaradda Waxbarashadda Puntland.

$
0
0

(Garowe Pi) Wasaaradda Waxbarashadda Puntland ayaa maanta ka gudoontey hay’adda Diakonia qalab xafiisyeed loogu talagaley 20 gudoomiye oo wasaaradda waxbarashadda u qaabilsan dagmooyinka Puntland,waxaana munaasibad lagu soo bandhigayey qalabkan ay ka dhacdey xarunta wasaaradda ee magaaladda Garowe caasimadda dowladda Puntland.

Waxaa goob joog ka ahaa munaasibada qalabkaan lagu wareejinayey wasiir ku xigeenka wasaaradda,sii hayaha xilka Agaasimaha Guud ee Wasaaradda,Haweeney ka soctey hay’adda Diakonia iyo gudoomiyaasha qalabkaan lagu talagaley oo iyagu ka kala yimid goboladda kala duwan ee dowladda Puntland.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda  Waxbarashadda Puntland Proff Maxamed Cali Faarax oo halkaas ka hadley waxa uu sheegey in ay aad ugu faraxsan yihiin qalabkan ay ugu deeqdey wasaaradda waxbarashadda hay’adda Diakonia oo uu ku tilmaamey hay’add ku caanbaxdey in ay Puntland uga shaqayso sidii loogu talgaley,waxaana uu tilmaamey in ay in mudo ah sugayeen sidii ay qalab dhamaystiran loogu heli lahaa gudoomiyaasha goboladda ee wasaaradda Waxbarashadda Puntland.

Siciido Xirsi oo ah wakiilka hay’adda Diakonia oo iyaduna kulankaas joogtey ayaa dhankeeda tilmaamtey in qalabkan oo ka kooban qaybaha kala duwan ee qalabka xafiisyadda in loogu talagaley in ay umadda ugu shaqeeyaan gudoomiyaasha wasaaradda ee goboladda Puntland,waxaana ay ka digtey in qalabkaan uu noqdo mid lagu khasaarey ayadoo ugu baaqdey masuuliyiinta wasaaradda ee goboladda in ay xil iska saaran hantida lagu wareejiyey.

Wasaaradda Waxbarashadda dowladda Puntland ayaa iyadu dhawaanahaanba wadey qorshayaal kala duwan oo ku wajan hormarinta waxbarashadda guud ee Puntland waxaana qalabkaan lagu wareejiyey masuuliyiinta wasaaradda ee goboladda Puntland ay horseedaysaa in gudoomiyaashu ay helaan xafiisyo caalami ah oo ay ku shaqeeyaan.

HOOS KA DAAWO SAWIRADDA.

 

IMG_8015 IMG_8017 IMG_8029 IMG_8030 IMG_8031 IMG_8033 IMG_8034  IMG_8037 IMG_8038 IMG_8047 IMG_8050 IMG_8055 IMG_8056 IMG_8076 IMG_8085 IMG_8096 IMG_8100

 

PUNTLANDI GAROWE.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 12512

Trending Articles