Taleex oo mudo maalin ah ay gacanta ku hayeen Maleeshiyo isla deegaanka ah oo ka amar qaadanayey Maamulka Hargeysa ayay shalay galab isaga baxeen ka dibna waxay u ruqaansadeen Dhinca Laascaanood inkastoo hada ay ku sugan yihiin meel 80 KM u jirta Taleex.
Shalay Markey Magaalada baneeyeen waxaa Xalay soo galay isla Magaalada qaar kamid ah kooxda Khaatumo, saaka waabarigiina Waxaa soo galay Maxamed Yuusuf jaamac indhasheel, isagoo saaka subaxnimadii meel fagaare ah kula hadley shacabka Taleex.
Ma jiro magaalada Wax dagaal ah oo ka dhacay sidaas awgeed xaalada Magaaladu aad ayay u degan tahay, kooxda markii hore Qabsadey magaalada si nabad galyo ah ayay kusoo galeen iyadoo kooxdii horey u joogtey ee khaatumo ay saacado ka hor ka baxeen magalada, waxayna isaga baxeen si nabad galyo ah isla markaasna kooxda Khaatumo ayaa saacado ka dib si nabad galyo ah kusoo galay.
Wariye Madaxbnaan oo ku sugan Taleex lana hadley Puntlandi ayaa sheegey in hada Taleex xaaladeedu ay aad u degan tahay, shacabka magaaladuna waxay hadal hayaan kooxa haan isku baneynaya Magaalada iyo mustaqbalka Magaaladu sida uu noqonayo.
Puntlandi.com
Bosaso