Quantcast
Channel: .warka – puntlandi.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 12512

(Dhagayso) Dowladda Puntland oo Caashuur dhaaf u samaynaysa dadka doonaya in ay maalgashi dhanka Caafimaadka ka hirgaliyaan Puntland.

$
0
0

(Garowe Pi) Dowladda Puntland waxa markii ugu horaysey ay shaacisey in Canshuur dhaaf u samaynayso dhakhaatiirta ama ganacsatadda doonaysa in ay maal-gashi Caafimaad oo tayo leh ay ka hirgaliyaan mandiqadda Puntland taas oo shacabka reer Puntland u arkaan mid fursad ah oo dowladdu gaartey.

Madaxwayne ku xigeenka dowladda Puntland Cabdi-Xakiin Xaaji Cumar(Camey) oo maanta ka qayb galey kulan lagu daah furayey urur ay ku midaysan yihiin dhakhaatiirta Puntland ayaa sheegey arintaas,waxaana uu tilmaamey in baahidda ugu wayn ee shacabka reer Puntland ay tahey in ay helaan caafimaad tayo leh.

Camey madaxwayne ku xigeenka dowladda Puntland waxa uu sheegey in dowladda Puntland ee uu hogaaminayo madaxwayne Gaas ay ka go’an tahey sidii loo hormarin lahaa arimaha Bulshadda oo Caafimaadka ugu horeeyo waana sababta dowladda Puntland ay Canshuur dhaaf ugu samaynayo dadka doonaya in ay Puntland ka hirgaliyaan maal’gashi Caafimaad oo tayo leh,waxaana madaxwaynuhu ka digey in Puntland ay usoo jeesatey dadka dhakhaatiirta been abuurka ah sheeganaya ee shacabka reer Puntland u horseedaya Caafimaad darada.

Ugu danbayntii dowladdu gaar’ahaan kooxaha Caafimaadka Puntland waxa ay wadaan qorshayaal baahsan oo kula dagaalamayaan dhakhaatiirta been abuurka ah ee ka dhex shaqaysta gudaha Puntland ayadoo dhawaan wasaaradda Caafimaadka Puntland ay shaqadii ka joojisey nin u dhashey dalka Kenya oo in mudo ah ku shaqaysanayey dhakhtar been abuur ah taas oo ay khuburadda wasaaradda Caafimaadka Puntland ay baaritaan kadib iridaha iskugu dhufteen xaruntii ninkaas.

HOOS KA DHAGAYSO CODKA MADAXWAYNE KU XIGEENKA PUNTLAND.

 

PUNTLANDI GAROWE.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 12512