Quantcast
Channel: .warka – puntlandi.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 12512

(Warbixin+Dhagaysi) Gudoomiyihii Gobolka Nugaal oo Xilkii Laga qaaday & Gudoomiyaha Cusub Oo Ka Hadlay Xilka Loo Magacabay

$
0
0

Gudoomiyahihii hore ee Gobolka Nugaal Cabdi Xirsi Cali Qarjab ayaa sheegay inuu soo dhawaynayo masuulka loo magaacabay xafiiska gudoomiyaha Gobolka Nugaal Cabdiqani Xaashi Cali,kaasi Oo lagu magaacabay wareegto kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha Dowlada Puntland Dr. Cabdiwali Maxamed Cali ”Gaas”.

Wuxuu sheegay in mudadii lixda Sano ahayd ee uu xilka hayay uu wax badan ka qabtay amaanka gobolka Nugaal,gaar ahaan caasimada ee Garowe iyo soo afjarista Beelo wada daga gobolka Nugaal,oo maamulkiisu uu ka shaqeeyey nabadayntooda,waxaana uu sheegey in isku xirka bulshadda gobolka Nugaal iyo dowladda uu maamulkiisu door wayn ka qaatey.

Cabdi Xirsi Cali Qarjab ayaa sheegay in Mas’uulka loo magacaabay Gobolka Nugaal uu la shaqayn doon, uuna kula dardaarmayo inuu noqdo shaqsi wax u qabanaya umadiisa isagoo adeegsanaya daacadnimo iyo wadatashi baahsan,taas oo ku tilmamey in ay tahey mida maamulkiisu guusha ku gaarey.

Dhanka dowladda ayuu sheegey in maamulku uu yahey wareegto oo uusan qofna ku dhalan xafiisyadda dowladda,waxaana uu tilmaamey in masuul walba xilka uu maalin qabto,isagoo tilmaamey in uu aad ugu riyaaqayo masuulka cusub ee gobolka Nugaal loo magacaabey oo u ku tilmaamey shaqsi awood u leh hormarinta gobolka Nugaal.

Dhan kale Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Nugaal oo la hadlah Warbaahinta gudaha ayaa sheegay inuu soo dhowaynayo xilka loo magacaabay,isla markanaa uu gudan doono waajibaadka shaqo ee loo igmaday.

Hoos ka Dhagayso Codk Qarjab;-

Hoos ka Dhagayso Codka Gudoomiyaha Cusub;-

Puntlandi.com          Gaalkacyo

Gaalkacyo@puntlandi.com

 

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 12512

Trending Articles