(Garowe Pi) Waxaa maalintii u danbaysey magaaladda Garowe ee caasimada dowladda Puntland ee Garowe si toos ah uga socda shirwaynaha dib u eegidda waxbarashada Puntland,kaas oo ay si aad ah uga dhexmuuqdaan hay’addaha Caalamiga ah ee ka shaqeeya arimaha waxbarashadda Soomaaliya.
Galinka hore ee maanta shirkaan waxa la isku dhaafsan doona afkaaro kala duwan oo ku wajahan sidii waxbarashadda Puntland loo hormarin lahaa,waxaana socda in koox’koox la isku qaybiyo oo koox walba ay ka jawaabto su’aasha ay usoo gudbiyaan gudiga wasaaradda waxbarashada ee fulinta shirkan.
Wasiirka wasaaradda Waxbarashadda dowladda Puntland Dr Cali Xaaji waxa uu Puntlandi u sheegey in shirkaan uu yahey mid ay filayaan in furo wado horleh oo lagu kobcinkaro aayaha waxbarashadda Puntland.
Shirkan waxa uu soo dhamaanaya galinka danbe ee maanta,waxaana uu yahey mid ay si aad ah isha ugu hayaan hay’addaha deeqda ku bixiya waxbarashadda Puntland,oo iyagu si cad uga dhexmuuqanaya ka qayb qaadashadda iyo isdhaafsiga afkaarta bulshadda shirkan ka soo qayb gashey.
SAWIRADDA HOOS KA DAAWO.
PUNTLANDI GAROWE.