Quantcast
Channel: .warka – puntlandi.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 12512

Faahfaahin– Shirkii Xalay dhexmaray Xasan Sheikh iyo Dr. Faroole maxaa sababay inuu burburo

$
0
0


Xuquuqda Warka ha la ilaaliyo,hana la joojiyo Xatooyada ama hala xuso meesha laga soo xigtey

Nairobi–7 Juun,2013–Puntklandi.com–Kulankii dheeraa ee Xalay dhexmaray Madaxweynaha Dowlada Federaalka ah Xasan Sheikh Maxamuud iyo Madaxweynaha Dowlada Puntland Cabdiraxmaan Sheikh Maxamed ayaa miiska lasoo saarey dhowr arimood oo labada masuul si qodo dheer uga wada hadlayeen.
Qodobada laga Wada hadlayay ee miiska saaraa Waxay ahaayeen sidaan hoose

  1. Faragelintii lagu sameeyey Dastuurka Federaalka Soomaaliya; hirgelinta heshiiskii ay magaaalda Garowe ku wada saxiixeen Dowladda Federaalka iyo Dowladda Puntland ee March 11, 2013.
  2. Maamulka cusub ee loo doortay Jubaland iyo nidaamka Federaalka Soomaaliya Lacagta Shillin Soomaaliga iyo xaaladda dhaqaale ee dalka.
  3. Socodsiinta Dib u heshiisiinta Qaran;.
  4. Deeqaha ay bixiso Beesha Caalamka sidii loo gaarsiin lahaa gobollada Soomaaliya oo dhan

Qodobadaan ayaa Wadahadalka laga bilaabay labada qodob ee ugu Xasaasisan oo kala ah Arimaha Jubaland iyo Waxka badalka lagu sameeyey Dastuurka, Arimaha Jubooyinka ayaa Madaxweyne Faroole soo jeediyey in loo baahan yahay oo kaliya in la raaco wixii lagu heshiiyey ee ku qoran Dastuurka isla markaasna Dowlada federaalka ah kaalinteeda mar walba la tix galiyo, Maadaama Maamulka hada ka dhismey Jubaland iyo hanaankii Geedisocodka lagusoo gaarey dhismaha Jubaland uu ahaa mid ka horeyey Dowlada Federaalka ah, waxaa loo baahnaa in dowlada federaalka ah ay tixgaliso shaqadana waxkasii Wado.

Madaxweyne xasan Sheikh wuxuu ka biyo diiday hadalka Madaxweyne Faroole wuxuuna sheegey in Wixii isaga ka horeeyey uusan shaqo ku lahaun, Dalkana uu isagu Madaxweyne ka yahay isla markaasna uu dagsadey istaraatiijiyad cusub, tasoo ah in Gobolada Jubaland uu isagu usoo Magacaabo gudoomiye Gobol, Raga faraha kula jira jubooyinkana ay faraha kala baxaan ama ay la shaqeeyaan Masuulka dowladu usoo Magacawdo, wuxuu kaloo raaciyey in mustaqbalka ay Dowladu qorshaynayso in labada Jubo la israaciyo, Gobolka Gedo uu isna raaco dhinac aBay iyo Bakool.

Arintu mara ay halkaas Marayso ayaa waxaa bilowdey Wadahadalo xasaasi ah tasoo keentey inuu Madaxweyne Xasan Sheikh yiraahdo “Anaa Madaxweyne ah, Dastuurkaan wuxuu dhigayo waxaa ka horeeya Waxaan anigu iraahdo waa in la tix galiyaa, Jubooyinkana Maamul lix bilood ah ayaan usoo magacaabayna dhowaan”.

Wafdiga Puntland Waxay Madaxweynaha u sheegeen inuu u muuqdo nin nin aan Dastuurkaba soo akhrisan loona baahan yahay in Madaxweynuhu uu akhriyo Dastuurka, markaas ka dib lawada hadlo.

Dhinaca kale Dastuurka Wax laga badalay ayaa Madaxweynuhu hadalka kusoo gaabiyey “Dastuurku kumeel gaar ayuu ahaa hadii wax laga badallo waa shaqada Dowlada in la hor mariyo Dastuurka”.

Arimuhu markey halkaas marayaan ayaa lagu kala kacay shirkii sidaasna lagu kala tagey.

Dublamaasi ka qayb galay kulanka ayaa Puntlandi u sheegey in intii uu Wadahadalku socdey uu Madaxweyne Xasan Sheikh  dhowr jeer kulan gooni ah uu la galay lataliyayaashiisa gaarka ah, ka dibna uu hadba shirjka kusoo labanayay, taasoo Wafdiga Puntland u cadeysey in Hadalada Madaxweynaha aysan ahayn kuwo isaga ugaara balse ay jiraan Dad kale oo gadaal kasoo riixaya.

Kulankii Xalay(6 Juun,2013) ku dhexmaray Madaxweyne xasan Sheikh iyo Madaxweyne Cabdiraxmaan sheikh wuxuu ahaa mid aad Xasaasi u ah, waxaana la isla gaarey wakhti dambe oo xalay ah, Waxaana halkaas laga dareemayay iney Dowlada Federaalka ah Qadiyadeeda Jubooyinka aysan ahayn mid Dastuuri ah ama nooc Dowladnimo ah balse ay jirto Qadiyad kale.

dublamaasi la hadley Puntlandi Xalay shirka ka dib wuxuu yiri “Madaxweynaha Dowlada Federaalka ah wuxuu u muuqdaa Mid uu kursiga ku waayi doono Jubooyinka, taasna waa ula talagal la doonayo in dalka lagu celiyo burbur iyo Dowlad la’aan, waana dareemi karaa meesha lagasoo abaabulayo habdhaqanka noocaan ah.” 
Sawiradaan hoose waa daqiiqado ka hor intuusan kulanku bilaaban Xalay, markii labada Madaxweyne ay ku kulmeen Hotel Safari Park oo kulanku ka dhacay

Puntlandi.com
Nairobi


Viewing all articles
Browse latest Browse all 12512