Nairobi– 6 Juun,2013–Puntlandi.com— Hotel Safari Park oo Madaxweyne Xasan Sheikh degan yahay ayaa waxaa hadda ka socda Casho ay Wada leeyihiin Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud iyo Madaxweynaha Dowlada Puntland Cabdiraxmaan Sheikh Maxamed Faroole, Cashada oo ah mid ay labada Masuul isku wareysanayaan kana sheekeysanayaan Xaalada guud ee dalka iyo waxyaabaha taagan hadda. Waxaa cashada ku weheliya Masuuliyiin ka tirsan labada Wafdi, inkastoo la sugayo in labada Madaxweyne ay si gaara isu arkaan cashada kadib si gooni ahna u wada hadlaan.
Dhinaca kale Madaxaweynaha Dowlada Jubaland Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) oo horkacaya Wafdi balaaran oo ka kooban dhamaan qabiilada dega Jubooyinka ayaa Magaalada Nairobi ku sugan iyadoo la filayana in masuuliyiinyta Jubaland iyo kuwa DF wada kulmaan.
faahfaahinta iyo sawirada Cashada iyo waliba Wafdiga Madaxweyne Axmed Madoobe naga filo