Quantcast
Channel: .warka – puntlandi.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 12512

Ogeysiis Muhiim ah oo ku socda Soomalida ku nool Denmark

$
0
0

Waxaa dhamaan la ogeysiinayaa Muslimiinta Soomaliyeed ee ku nool dalka Denmark in ay ka qeyb qaataan saxiixa kacdoon ay muslimiinta ku nool dalka Denmark ku diidan yihiin sharci cusub oo ay soo rogtay wasaarada cadaalada ee dalkaas kaas oo lagu joojiyey qaabkii waafaqsanaa shareecada Islaamka oo ay muslimiinta u qowracan jireen xoolaha.

Waxaa mar labaad laga codsanayaa dhamaan muslimiinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Denmark in ay saxiixaan kacdoon lagu diidan yahay sharciga cusub oo ay wasaarada Cadaalada dalka Denmark ay ku soo rogtay qaabka loo gowraco xoolaha .

Waxaad gashaan Linkska Hoose ka dibna ku qoran Magacaaga iyo Emailkaaga ka dibna ku dhufo meesha ay ku taal Skriv under her oo macnaheeda yahay Saxiix

Walaalaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Denmarka fadlan ka qeyb qaata saxiixa si aynaan caruurteena iyo anigaba u cunin xoolo bakhti ah oo xaaraan ah.

Fadlan Halkan gal oo saxiix adoo mahadsan inshalaah ajar badan baad ka heli doontaa hadii diidmada sharcigan uu guuleysto

Wixii Faahfahin ah waxaad la xiriiri kartaa Dhamaan Maraakizta iyo Masaajida Muslimiinta ee dalka Denmark.

Puntlandi


Viewing all articles
Browse latest Browse all 12512