Madaxweynaha Dowlada Jubbaland Axmed Maxamed Islaan’’Madoobe’’ ayaa maanta si rasmi ah u magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Jubbada hoose, Duqa degmada Kismaayo,toban Wasiir ku xigeen iyo hal Wasiiru-dowle sida ku xusan laba Digrreto oo kaso baxay Madaxtooyada Dowlada Jubbaland oo nuqul ka mid ah laso gaarsiiyay Warsidaha Puntlandi.
Madaxweynaha Jubbaland ayaa Guddoomiyaha Gobolka Jubbada hoose u magacaabay Cabdirashiid Cabdulaahi Cali ‘’Gooni’’,halka duqa degmada Kismaayo loo magacaabay Ibraahim Maxamed Yuusuf.
Digreetada kaso baxday Madaxooyada Jubbaland ayaa waxa Madaxweynuhu uu ku magacaabay 10-wasiir ku xigeen iyo hal Wasiiru-dowle oo haweenay loo magacaabay.
Waxaa xusid mdan in saddex ku xigeen loo magacaabay degmada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada hoose sida aad Digreetada ka dheehan kartaan.
Hoos Ka Akhriso Digreetooyinka lagu magacaabay Mas’uuliyiintan oo nuqul ka mid ah laso gaarsiiyay Warsidaha Puntlandi;-