Madaxweynihii hore ee Puntland Dr. Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud ‘’Farole’’ ayaa daqiiqado ka hor ka dhoofay magaalada Garowe ee Caasimada Puntland,waxaana uu ku wajahan yahay magaalada Nairobi ee xarunta wadanka Kenya.
Mudane Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud ”Farole” oo Diyaarad khaasa ay ka qaaday Garowe ayaa waxaa sii sagootiyay Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland Siciid Xassan Shire,xubno ka tirsanaa Xukuumadii uu hogaaminayay shantii sano ee tagtay iyo Saraakiil ka tirsan Ciidamada amniga Puntland.
Madaxweynihii hore ee Puntland oo Saxaafada si kooban ula hadlay ayaa sheegay in caasumaad uu ka helay wadamada xiriirka Jaarka la ah Puntland ee xiriirka dhow la leh.
Dr. Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud ayaa lagu wadaa in Nairobi lagu Guddoonsiiyo abaalmarinta Caalami ah.
Madaxweynihii hore ee Puntland Dr. faroole ayaa loo gartey Abaalmarintaan isagoo ku muteystey halgankii u galay sidii Puntland u gaari lahayd nidaamka Dimoqoraadiyada, iyo Dowladwanaaga uu ka hirgaliyey Puntland iyo hamigiisii ku salaysnaa in Soomaaliya ay heshey Dowlad daacad ah oo ku salaysan nidaamka Federaalka, wuxuu kaloo Abaalmarintaan ku heley isbadalkii taariikhiga ahaa ee Doorashadii Puntland janaayo 2014, sidii uu u maareeyey Doorashada iyo xilwareejintii taariikhiga ahayd.
Warsidaha Puntland todobaadkii hore ayuu ogaaday in Madaxweynihii hore ee Puntland Dr. Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud la Guddoonsiindoono abaal marin,Linkiga hoose ka akhri Warbixinta Puntlandi uu ka qoray todobaadkii hore,Hoosna Ka Daawo Sawiradda;;-
Hoos Ka Daawo Sawiradda;-