Quantcast
Channel: .warka – puntlandi.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 12512

Golaha Wasiirada Jubaland oo dhowaan lagu dhawaaqi doono

$
0
0

Kismaayo–5 Juun,2013–Pi– Waxaa kismaayo kasocda abaabulka soo xereynta Xildhibaanada Baarlamaanka Jubaland iyadoo Beel walba ay diyaar u yihiin Xildhibaanada ay tiro ahaan u heleen, balse ay dhiman tahay oo kaliya iney soo gudbiyaan.

Soo xereynta Xildhibaanadu waxay qaadaneysaa maalin qura balse waxaa lawadaa qorshe ah in Golaha Wasiirada iyo Xildhibaanada isku mar lasoo bandhigo ama ay maalin kala dambeeyaan Sidaas awgeed Madaxweyne Axmed Madoobe iyo kuxigeenkiisa Janaraal Farataag ayaa hada ku howlan Baafi goobka xubnaha ay Wasiirada u magacaabayaan,Waxaana la filayaa iney dhowaan soo bandhigaan Golaha Wasiirada.

Golaha Wasiirada Jubaland wuxuu noqonayaa mid kooban oo beelaha Deegaanku ka wada dhex muuqdaan, sida uu Puntlandi wararka ku hayo Waxaa golaha Wasiirada kasoo dhex muuqan doona rag hada ka dhex muuqda Ololaha dhismaha Jubaland.

Dhinaca kale waxaa Nairobi ka socda Horumarin Dublamaasiyadeed oo lagu soo dhameys tirayo Dhismaha Jubaland, dhibac siyaasadeed iyo Mid horumarinta Bulshada iyo Amaanka ah.

Siyaasiyiin rug caada ah ayaa howlo xoogan ka wada Nairobi iyagoo ku dadaalaya in la dhameeyo khilaafka Jubaland iyo Madaxweyne Xasan Sheikh.

Puntlandi.com
Kismaayo/Nairobi


Viewing all articles
Browse latest Browse all 12512

Trending Articles