Quantcast
Channel: .warka – puntlandi.com
Viewing all 12512 articles
Browse latest View live

Breaking News : Al-Shabaab oo Axmed Cumar Al-Cubeydah u doortay Amiirkooda cusub

$
0
0

Kooxda xag jirka ah ee Al-Shabaab ayaa bayaan afka carabiga ku qornaa oo ay soo sareen ku shaaciyey in hogaamiyahooda cusub ay u doorteen nin dhawr iyo afartan jir ah oo lagu magacaabo Axmed Cumar Al-Cubeydah

Hogaamiyaha cusub ayaa badeli doona, Amaiirkii hore ee kooxda Al -Shabaan Axmed Cabdi Godane oo sirdoonka mareykanku ay kharajiyeen habeenkii isniinta ee 01.09.2014

Hogaamiyaha cusub ayaa la sheegay inuu ku dhashay magaalada Qalaafe ee dhulka ismaamul gobaleedka soomaliyeed ee Ethopia.

Madaxa cusub ee Al-Shabaab Axmed Cumar Al -Cubeydah ayaa hore u ahaa Macalin Quraan, ka hor intaanu noqon gudoomiyaha gobolka Bay iyo Bakool ee kooxda Shabaab

Puntlandi
Garoowe


(Warbixin) Alshabaab oo qiratay inuu dhintay Hogaamiyahoodii Axmed Cabdi Godane waxayna dooratay horjooge cusub

$
0
0

(Pi Garoowe) Kooxda xag jirka ah ee Alshabaab ayaa qoraal ay ku shaaciyeen barahooda internetka waxay ku sheegeen oo ay ku xaqiijiyeen dhimashada horjoogahoodii ugu sareeyay Soomaaliya Axmed Cabdi Aw Maxamuud Godane oo Maraykanku u xaqiijiyay inuu ku dhintay weerarkii todobaadkii hore.

Kooxda ayaa sheegtay in Axmed Godane iyo sargaal kale oo aan magaciisa la shaacin ku geeriyoodeen duqeyntii Maraykanka ee habeenkii isniinta todobaadkii hore, waxayna magacowdeen horjooge cusub oo lagu magacaabo Sheekh Axmed Cumar  oo loo yaqaano (Abuu cubaydah), oo horey maleyshiyada Alshabaab ugu qaabilsanaan jiray gobolka Bakool ee koonfurta Soomaaliya.

Bayaan afka carabiga ku qornaa oo ay soo sareen ayaa lagu shaaciyey in hogaamiyahooda cusub ay u doorteen nin dhawr iyo afartan jir ah oo lagu magacaabo Axmed Cumar Al-Cubeydah.

Horjoogaha cusub ayaa badeli doona, hirjoogihii hore ee kooxda Al -Shabaab Axmed Cabdi Godane oo sirdoonka mareykanku ay kharajiyeen habeenkii isniinta ee 01.09.2014

Hogaamiyaha cusub ayaa la sheegay inuu ku dhashay magaalada Qalaafe ee dhulka ismaamul gobaleedka soomaliyeed ee Ethopia.

Madaxa cusub ee Al-Shabaab Axmed Cumar Al -Cubeydah ayaa hore u ahaa Macallin Quraan, ka hor intaanu noqon gudoomiyaha gobolka Bay iyo Bakool ee kooxda Shabaab.

Alshabaab ayaa qarinayay dhimashada Axmed Godane tan iyo markii uu dhacay weerarkii kowdii september oo ay diyaarada droneska Maraykanku ka fuliyeen gobolka Shabeelaha hoose halkaas oo goob ay ku suonaayeen Godane iyo saraakiil kale lagu dhuftay afar gantaal oo ah nuuca aadka uculus. Inkastoo aamusnaanta Alshabaab ay muujinaysay inuu jiray khasaare soo gaaray.

Wasaaradda gaashaandhiga Maraykanka ayaa shan cisho kadib ku dhawaaqday inuu weerarkaasi ku dhintay horjooge Axmed Cabdi Godane, waxaana war ay soo saartay ku sheegtay inay horey ula socotay inaanu cidna ka badbaadin weerarkooda laakiin ay qiimaynaysay inta uu le’egyahay qasaaraha.

Axmed Godane ayaa numberka 8-aad uga jiray dadka aadka loo raadinayay ee ku jira liiska argigixisada ee uu Maraykanku madaxooda duldhigay malaayiiin dollar.

Puntlandi.com- Garoowe.

 

(Sawirro) Jaamacadda Bariga Afrika oo furtay kuliyad lagu barandoono caafimaadka

$
0
0

(Pi Garoowe) Magaalada Garowe waxaa lagu qabtay Xaflad lagu daahfurayay Kuliyad cusub oo lagu soo kordhiyay Jaamacada Bariga Africa qeybteeda Magaalada Garowe taasi oo ah kulliyada Caafimaadka.

Xafladaan oo ka dhacday qeybta shirarka ee Jaamacada bariga Afrika
faraca Garoowe waxaa kasoo qayb galay Madaxwayne ku xigeenka
Masuuliiyin ka socotay 2da golle Aqoonyahanno iyo marti sharaf kale.

Gudoomiyaha Jaamacada bariga afrika Aadan Sheekh Doon Cali ayaa
sheegay in Kuliyadan ay ugu talagaleen in jaamacada ay kordhin doonto
kuliyadaha kala duwan ee baahiyaha aas aasiga u ah Ardeyda ku nool gudaha Puntland.

Sidoo kale maamulaha ayaa waxaa uu sheegay in ay u mahad celinayaan
cid kasta oo gacan mug leh ka geysatay hirgelinta Kuliyadan
Caafimaadka ee Jaamacadda lagu soo kordhiyay.

Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Puntland Dr-Saadaq Eenow ayaa Bilowga
Daahfurka Kuliyadan Ardayda wax ka baran doonta ku tilmaamay in ay wax
ka qaban doonaan baahiyaha dhinaca caafimaadka ee ka jirta ilaa 2000 oo
tuulo ah kuwaasi oo Puntland ku yaala.

Wasiirka ayaa Ardayda wax ka baran doonta Kuliyadan ku Booriyay in ay ku dadalaan sidii ay uga mira dhalin lahaayeen hanaanka waxbarashada
ee Kuliyadaasi.

Madaxwayne ku xigeenka Dowladda Puntland Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji
Cumar Camey ayaa u mahad celiyay Madaxda Jaamacada Bariga Africa, Hay’adaha dowliga iyo kuwa aan dowliga ahaynna ku booriyay in ay howshan gacan ka
geystaan.

Mudo sadax sano ah ayaa la sheegay in ay socon doonto Barashada
Kuliyadan Caafimaadka ee ay ku dhawaaqday Jaamacada Bariga
Africa qeybteeda Garowe in lagu soo kordhiyay waxayna fursad muhiim ah
u tahay ardayda ku haminaysay barashada caafimaadka.

Daawo Sawiradda.

vlcsnap-2014-09-06-13h44m45s157 vlcsnap-2014-09-06-13h44m50s200 vlcsnap-2014-09-06-13h44m56s9 vlcsnap-2014-09-06-13h44m59s32 vlcsnap-2014-09-06-13h46m15s26 vlcsnap-2014-09-06-13h46m22s102_1 vlcsnap-2014-09-06-13h46m36s232

Puntlandi.com- Garoowe

War deg deg: Agaasimihii Hay’adda Nabad sugida Muqdisho oo si Deg deg ah xilkii looga qaaday

$
0
0

(Pi Muqdisho) Golaha Wasiirada ee Xukuumadda federalka Soomaaliya ayaa maanta kulan deg deg ah oo ay Muqdisho ku yeesheen waxay xilka uga ka qaadeen Agaasimihii guud ee Hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda federalka Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa shir guddoominayay kulanka xil ka qaadista,ka dib markii uu gudan waayay waajibaadkiisa shaqo sida shirka laga sheegay.

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabadsugida ayaa noqonaya Mas’uulkii Labaad,oo Labo bil gudahood laga qaaday Xilka .,Horey ayaa Xilkaan waxaa looga qaaday Agaasimihii hore ee Nabad sugida Bashiir Goobe.

Xilka qaadistaan ayaa kusoo beegmaysa iyadoo dhawaan weerar xoogan lagu qaaday xarunta ciidanka nabad sugida ee kutaala Godka Jilacow halkaas oo ay ku dhinteen 11 ruux oo ku jireen ciidamo katirsan nabad sugida iyo shacabka.

Puntlandi.com- Muqdisho

Cadeymo ku saabsan dhaqaalaha FIFA ku bixiso horumarinta isboortiga Soomaaliya iyo sida loo masuq maasuqo

$
0
0

smologo

Xiriirka kubadda aduunka ee FIFA ayaa sanad walba dhaqaale xoogan ku bixiya horumarinta isboortiga Soomaaliya.

Dhaqaalahaan oo ku kacaya malaayiin dollar ayaa wuxuu gacanta u galaa koox gaar ah oo isku magacowday xiriirka kubada cagta Soomaaliyeed oo saldhigoodu yahay magaalada Muqdisho.

Kooxdaan ayaa sanadkasta jeebka gashata dhaqaalaha xoogan ee loogu talo galay in kor loogu qaado ciyaaraha kubadda cagta Soomaaliya iyagoo ku xadgudbay sharuucda FIFA iyo magaca xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed.

Halkaan ka akhriso warbixin uu inasoo gaarsiiyay agaasime Tigaana.

media1

media2

media3

Puntlandi.com- 

Garoowe

 

Press releases– Puntland President Addresses Al Shabaab Leader’s Death

$
0
0

PRESS RELEASE
07 September 2014

The President of Puntland State of Somalia H.E. Abdiweli Mohamed Ali Gaas welcomed the death of Al Shabaab leader Mukhtar Abu Zubeyr also known as Ahmed Abdi Godane who was killed in a coordinated U.S. drone attack carried out on Monday September 1st.

H.E. President Gaas stated on Saturday, “Godane was an evil propagator, the worst evil propagator in Somalia, and his killing is a successful setback to his evil plans for Somalia”. H.E. President Gaas also expressed gratitude to the different international security apparatuses that took part in the operation.

A United States drone strike hit a convoy carrying the Al Shabaab leader and six Al Shabaab militants as they were headed to the coastal city of Barawe. It was confirmed on Friday that the Al Shabaab leader was killed in the raid.

In February 2013, the Puntland North Eastern Regional Military Court sentenced Al Shabaab leader Godane to death by firing squad.

Puntland Defense Forces have been engaged with terrorist groups for many years and have successfully suppressed their insurgencies.

This has only strengthened Puntland’s resolve. Surely Al Shabaab’s threat to peace and stability in Puntland and throughout Somalia is the catalyst to their demise.
—END—

(Dhagayso) Xildhibaan Dhoobadaareed:’’Shirka Sanaag Puntland shaki kama qabin Siyaasad iyo amni ahaan’’.

$
0
0

Xildhibaan Cabdixakiim Axmed Maxamed ‘’Dhoobadaareed’’ oo ka mid ah Xildhibaanada Puntland uga qayb galay shirka Beelaha Warsangali ugu soo gabagaboobay degmada Xingalool ayaa sheegay in Dowlada Puntland aysan shaki ka qabin shirka ‘’GUULEED 2’’ Siyaasad iyo amni ahaan,ayna Dowladu ka warhaysay in shirku uu ahaa Shir dhaqan.

Wuxuu sheegay in shirka lagu qabtay deegaan ka tirsan Puntland,ayna qabsadeen dad ka tirsan Puntland.

‘’Waa jireen dadyow Beesha ah oo ka maqnaa,oo Siyaasiyiin iyo Odayaal labadaba leh,Midnimada iyo Tafaraaruqa,Midnimadaa fiican’’Ayuu yiri

Xidlhibaan Cabdixakiim Axmed Maxamed ayaa sheegay in socdaal uu ku maray deegano iyo degmooyin hoostaga Gobolka Sanaag,waxaana uu xusay in socdaalkiisa uu ugu kuurgalayo xaaladaha Amniga,Abareed iyo Siyaasada Gobolka,wuxuu sheegay  inuu kulan la qaadan doono qaybaha Bulshada ku dhaqan Gobolka Sanaag.

Ugu dambayntii  Xildhibaan Cabdixakiim ayaa sheegay in Madaxweynaha Dowlada Puntland Mudane Cabdiweli Maxamed Cali ”Gaas” uu balanqaaday inuu Dowladu ay door mug wyan ka qaadanayso hormarka Gobolada Sanaag iyo Hayland.

Hoos Ka Dhagayso Codka Xildhibaanka;-

www.puntlandi.com.

 

 

 

(Dhageyso) Wasiirka waxbarashada Dowladda Puntland Cali Xaaji Warsame oo ka warbixiyay Natiijada safarkii uu ku tagay dalka Maraykanka

$
0
0

(Pi Garoowe) Wasiirka waxbarashada dowladda Puntland mudane Cali Xaaji Warsame oo maanta ka waramayay safarkii uu ku tagay dalka Maraykanka ayaa sheegay jaaliyaddaha Puntland ee Maraykanka inay ka heleen balanqaad ku saabsan inay Puntland siinayaan boqolkun oo Computero ah iyo 1 Milyan oo Buugaag ah.

Buugaagtaan oo isugu jira heerarka kala duwan ee Waxbarashada sida;-Dugsiyada hoose/dhexe, sare iyo Jaamacaddaha ayaa wasiirku sheegay in loo keeni doono Ardayda Waxka barata Puntland,iyadoo looga faa’idaysan doono in la geeyo goobaha Waxbarashada iyo Librariska.

Mudane Cali Xaaji Warsame ayaa sheegay in Jaaliyadda Minneaples ay Wasaaradda ka taageeridoonto helitaanka adeeg internet ah ugaar ah kaligeed.

“Waxaa jaaliyadda ka muuqatay dareen wanaagsan iyo inay aad u daneynayaan sidii ay wadanka wax ugusoo kordhin lahaayeen kaalintoodana u qaadan lahaayeen, waxaana kuwooda macalimiinta ah ku dhiiri galinay inay dalka yimaada si ay dadka wax ubaraan ” ayuu yiri wasiirka Cali Xaaji oo intaas ku sii daray inay jaaliyaddaha uga warameen xaalada guud iyo qorshaha dowlada ee xaga waxbarashada.

Wasiirka waxbarashada ayaa sidoo kale soo dhaweeyay qorshe lagu mataaneenayo Magaalooyinka Boosaaso  iyo Minneaples  waxaana qorshahaan ka shaqeynaya jaalliyadda ee dalka Maraykanka.

 Hoos Ka Dhagayso Codka Wasiirka Waxbaarshada Puntland;-

DSC_0097

Puntlandi,Garowe.

(Dhagayso) Dowladaha Puntland iyo Ethiopia oo bilaabaya Ganacsi Xoogan oo u dhexeeya.

$
0
0

Dowladaha Ethiopia iyo Puntland ayaa wada qorshihii ugu dambeeyay ee ay ku doonayaan inay ku abuuraan Ganacsi xoogan oo u dhexeeya,waxaana socda dadaalo labada dhinac ay ku doonayaan hirgalinta Ganacsigaasi.

Wasiirka Waraafinta Puntland Cabdiweli Xirsi Cabdule ‘’Indhaguran’’,Wasiirka Hawlaha Guud Cabdirashiid Maxamed Xirsi,Wasiirka Amniga Xassan Aloore iyo Saraakiil ka tirsan Ciidamada Puntland iyo Mas’uuliyiin ka socday Dowlada Ethiopia ayaa ka wada hadlay meelmarinta qorshaha labada dhinac ay ku abuurayaan Gacsiga iyo adkaynta amaanka,ka dib kulan ay ku yeesheen degmada Galdogob ee Gobolka Mudug.

‘’Waxaan ka wada hadalnay in Ganacsiga Puntland iyo Ethiopia la isu furo,goobihii lagu Ganacsan lahaa in la diyaariyo,waxaa laso diri doona Wufuud,magaalooyinka waawayn ee Puntland ayaa lagu shiri doona,arrintaas waa la isku raacay’’Ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Puntland.

Mar uu ka hadlayay Guddi Farsamo oo labada dhinac ka socda oo hirgalin doona Qorshaha Ganacsiga ayaa wuxuu yiri’’‘’Guddi Farsamo ayaa iman doona,Toban maalmood gudahood ayaa labada dhinac ay ku magacaabaysaa,ka dibna Ganacsi wayn ayaa bilaaban doona’’.

Dhanka kale Mas’uuliyiinta Puntland iyo Ethiopia ayaa isla soo hadal qaaday ka wada shaqaynta amniga,Xuduudaha ay wadaagan labada dhinac,waxayna isku raaceen in muhiim ay tahay inay ka wada shaqeeyaan amniga guud.

Hoos Ka Dhagayso Codka Wasiirka;-

www.puntlandi.com.

 

 

 

 

 

(Faahfaahin+Dhagaysi) Dowlada Puntland oo sheegtay inaysan cidna marti uga noqonayn Shidaalka Dhulkeeda.

$
0
0

Agaasimaha guud Macdanta iyo Batroolka Puntland Mudane Ciise Dhoola-waa ayaa sheegay in Dowlada Puntland aysan cidna marti uga noqonayn Shidaalka ku jira Dhulkeeda,xilli Wasaaradda Macdanta iyo Batroolka Dowlada Muqdisho ay sheegtay in Maamulada ka jira dalka aysan gali Karin heshiisyo Shidaal.

Mudane Ciise Dhoola-waa ayaa Riyo iyo Nacayb ku tilmaamay Warsaxaafadeedka Dowlada Federaalku ay ku sheegtay in heshiisyada Shidaalka ay gali karto Dowlada Muqdisho.

‘’Sharci ahaan waa ku khaldan yihiin sida ku xusan Dastuurka Federaalka iyo Puntland,nimanka yiri annagoo Xamar joogna ayaa Mas’uul ka ah Shidaalka Puntland,waxay muujinaysaa nacaybka qoto dheer iyo shido inay salka ku hayso’’Ayuu yiri.

Wuxuu intaas ku daray” Waa Niman iska Riyoonaya ayaan u arkaa,waxay muujinaysaa shidada ay wadaan,Xiririka Federaalka iyo Puntland waa go’an yahay muddo Bil ah,wada tashi dheer ka dib waxaa laso saaray in wada hadal ay galaan labada dhinac,sida muuqata intaan wada hadalka la bilaabin ayay jabiyeen Arrimaha Horu-dhac u ahaa wada hadalka,ee ay ka mid ahayd inaan Saxafada wax la isu marin”.

Qodobka 55-aad ee Dastuurka Federaalka wuxuu Dowlada dhexe ee Federaalka uu awood u siinayaa inay Maamulaan oo kaliya ;-

1-Maamulka Lacagaha dalka.

2-Tababarka Ciidamada loo dirayo dibada.

3-Fududaynta isu-socodka dadka.

4-iyo Maamulka Siyaasada arrimaha dibada.

Awoodaha kale ayaa Sarifmaya,waxaana uu qeexaya Dastuurka Federaalka ee ay ku heshiiyeen in Maamulada ka jira dalka ay awood u leeyihiin inay Maamushaan Arrimaha Masiirkooda.

Agaasimaha guud Macdanta iyo Batroolka Puntland Mudane Ciise Dhoola-waa ayaa hoosta ka xariiqay in Dowlada Federaalka ay gacanta kula jirto waxaysan shaqo ku lahayn.

Dowlada Muqdisho ayaa u muuqata inaysan doonayn inay ku dhaqanto Dastuurka ay ku heshiiyeen umada Soomaaliyeed,waxaana muuqanaya in markasta ay Muqdisho kaso baxayaan waxyaabo sii kala fogaynaya umada Soomaaliyeed.

Talaabada Dowlada Puntland ay ku doonayso inay kula soo baxdo Khayraadka ku jira Dhulkeeda ayaa meel wannaagsan maraya.

Hoos Ka Dhagayso Codka Ciise Dhoola-waa;-

www.puntlandi.com.

 

 

 

Sawirka maanta “Madaxweyne Xasan Sheikh oo diidey xilka qaadista Agaasimaha Nabadsugida

Saddex nin oo looga shakisan yahay inay katirsan yihiin Alshabaab oo lagu xiray garoonka Frankfurt

$
0
0

(Frankfurt) Dowladda Germany ayaa garoonka diyaaradaha ee Frankfurt ku xirtay saddex nin oo looga shakisan yahay inay katirsan ururka argigixisada ee Alshabaab.

Xafiiska Xeer ilaaliyaha federalka ayaa sheegay isniinta maanta ah in saddex haysta dhalashada Germany la xiray sabtidii iyagoo ka yimid Kenya. Waxaana lagu tuhmayaa inay xubin ka yihiin ururka Alshbaab ee Soomaaliya.

Saddexdaan nin ayaa warbixinta lagu sheegay in lagu kala magacaabo Steven oo 26 jir ah, Abdullah oo 28 jira iyo Abdulsalam oo 23 jir ah.

Xeer ilaaliyaasha ayaa war murtiyeed ay soo saareen waxay ku sheegeen inay raggaan usafreen Soomaaliya sanadkii 2012 iyo 2013 iyagoo ku biiray Alshabaab islamarkaana helay hub iyo tababarka dagaalka.

Waxay sheegeen inaanan lahayn cadeymo muujinaya inay qorshaynayeen weeraro soo noqoshadooda kadib laakiin waxaa lagu eedeeyay inay diyaarinayeen rabshado.

Puntlandi.com- Frankfurt

(Sawirro) Wassaaradda xanaanada xoolaha dowladda Puntland oo maanta sagootisay kooxo dhaqaatiir ah oo soo daaweyndoona 756.000 neef oo xoolo ah.

$
0
0

(Pi Garoowe) Wasaaradda xanaanada xoolaha ee dowladda Puntland ayaa maanta sagootisay koox dhaqaatiir ah oo muddo labo bilood ah qaadidoono olole lagu daweynayo xoolaha ku nool 6 degmo oo katirsan gobolada Puntland.

Kooxdaan dhaqaatiirta ah  oo tagidoono degmooyinka, Taleex, Xudun, Dhahar, Badhan, Burtinle iyo Jariiban ayaa soo daawendoono xoolo gaaraya 756.000 neef sida lagu shaaciyay kulan laga sagootinayay dhaqatiirta oo lagu qabtay xarunta dhexe ee wasaaradda ee Garoowe.

Agaasimaaha waaxda caafimaadka xoolaha Dr Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac  ayaa sheegay inay dhaqaatiirtu diirada saaridoonaan cudurada ku dhaca xoolaha sida geedo caalka, jadeecadda, sambabka iyo furuqa si loo helo xoolo badan oo caafimaad qaba oo sanadkaan ka qeyb qaata dhoofka xoolaha Puntland.

Agaasimaha guud ee wasaaradda xanaanada Puntland Dr Ibraahim Xareed Dacar ayaa kula dardaarmay dhaqaatiirta inay kasoo jawaabaan qeylo dhaanta kasoo yeeraysa degmooyinka ay u ambo baxayaan halkaas oo lagasoo sheegayo inay ka taagan tahay caafimaad darro dhanka xoolah ah.

Dr Ibraahim Dacar ayaa shaagay haddii aan lagu dadaalin caafimaadka xoolaha inay imaandoonto hoos weyn oo ku yimaada dhaqaalaha dalka.

Wasiirka xanaanada xoolaha dowladda Puntland C/laahi Ducaale ayaa sheegay sanadkaan inay kooban tahay dhaqaatiirta iyo gaadiidka loo dirayo daaweynta daruufo jira awgeed wuxuuna kooxaha caafimaadka ka codsaday inaanay cabasho ka imaan dadka loo adeegayo islamarkaana ay ogaadaan in waxa laga shaqeynayo ay tahay dantii guud oo ummadda kawada dhaqeysay.

Hay’adda IRCR ayaa barnaamijkaan ka taageeraysa xagga dhaqaalaha waxaana degmooyinka la xushay loo arkay inay yihiin meelaha ugu xoolaha badan Puntland.

Maalinta berrito ah ayaa kooxdaan dhaqaatiiirta ah ka ambo bixidoonaan magaalada Garoowe iyagoo loo diyaariyay dhammaan daawooyinkii iyo gaadiidkii ay raaci lahaayeen.

Halkaan daawo sawirada.

DSC_6702 DSC_6703 DSC_6704 DSC_6705 DSC_6706 DSC_6707 DSC_6708 DSC_6709 DSC_6710 DSC_6711 DSC_6712 DSC_6713 DSC_6714 DSC_6716 DSC_6717 DSC_6718 DSC_6724 DSC_6725 DSC_6727 DSC_6729 DSC_6730 DSC_6731

Puntlandi.com- Garoowe

UN Representative to Somalia visits Baidoa to support state formation process

$
0
0

United Nations Assistance Mission in Somalia (UNSOM)

For Immediate Release 

PRESS STATEMENT 42/2014

kay-nicolas-450x300Baidoa, 8 September 2014 – The Special Representative of the UN Secretary-General for Somalia, Nicholas Kay, today visited Baidoa to support Federal Government and local efforts to establish a new interim administration in south west Somalia comprising the regions of Bay, Bakool and Lower Shabelle.

While in Baidoa, SRSG Kay met with the Speaker of the Somali Federal Parliament, Mohamed Osman Jawari, as well as signatories to the agreement on an interim administration in south west Somalia and members of the technical committee established to implement it.

“I encourage all stakeholders to expedite the implementation of the agreement. The momentum of Somalia’s state-building process must not be interrupted; it is a critical part of the country’s path towards peace and stability. I welcome the commitment of all parties to a fully inclusive process. ”

“I urge those who remain outside the process to support the agreement and contribute to building a federal Somalia.” he added. “All parties should continue their work constructively and peacefully, and avoid any actions that might undermine peace and security.” 

Ends. 

Get updates from UNSOM/Halkan ka hel wararka UNSOM: 
www.unsom.unmissions.org 
@UNSomalia 
www.facebook.com/UNSomalia

Warbixin+Sawiro:-Shir Looga Hadlayo Baahinta Maamulka Oo Gudoomiyaasha Dagmooyinka Puntland Uganda Uga Furmay

$
0
0

Shir looga hadlayay Baahinta maamulka iyo amaanka oo ay soo qabanqaabisay hay’adda United Nation System Staff College (UNSSC)ayaa ka furmay Uganda-Intebe. shirkaan ayaa waxaa kasoo qayb galay wufuud ka kala socota Puntland, Somaliland iyo Dawladda Federalka Soomaaliya.

shirkaan ayaa socon doona muddo 4 beri waxaana lagu lafaguri doona arrimo badan oo khuseeya daadajinta maamulka iyo dawladaha hoose. waxaa kaloo goob joog ka ah shirka xubno ka mid ah hay’adaha deeq bixiyayaasha kuwaas oo il gooni ah ku haya waxa kasoo bixi doona shirka. Maayorada Garowe, Galkacyo, Jariiban, Qardho, Boosaaso, iyo Bayla, Agaasimayaal, iyo xubno kale oo ka kala socda Dawladda Puntland ayaa shirka ka qayb galaya, shirkaan ayaa waxa uu ka mid yahay shirar dhawr ah oo lagu qaban doono Kampala kuwaas oo awoodda saari doona dawladaha hoose.

Puntlandi.com  Sawiro

Gaalkacyo@puntlandi.com

Sawirada Hoos Ka Eg

 

DSC02839 DSC02869 DSC02916 DSC02932 DSC02936 DSC02891 DSC02894


(Sawirro) Hogaanka cusub ee ururka warbaahinta Puntland ee Map oo maanta si rasmi ah ula wareegay xilkoodii

$
0
0

(Pi Garoowe) Magaalada Garowe ee Caasimada Puntland waxaa maanta ka dhacday xaflad ay xillalka kula kala wareegeen Hogaanka cusub iyo Masuuliyiintii hore ee Ururka Warbaahinta Puntland ee MAP.

Xafladan waxaa ka soo qaybgalay bahda Saxaafada ee Puntland, Wasiirka Warfaafinta Puntland, Guddoomiyaha Dallada Ururada aan dawliga ahayn ee PUNSAA, Saraakiil ka socotay Hay’adaha Relief International iyo UNSOM iyo Marti sharaf kale.

Burhaan Axmed Daahir, Xoghayihii hore ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ugu horayn xaflada ka hadlay ayaa ka warbixiyuay Waxqabadka 5-tii sano ee uu hogaaminayay Warbaahinta Puntland, wuxuuna tilmaamay in guulo farabadan iyo miro dhal fiican ay ka keeneen dadalkoodii faraha badnaa ee la xiriiray horumarinta Saxaafada Puntland iyagoo kaashanayay hay’addaha uu ururku bahwadaagta la yahay ee dalka ka fulinaya Mashaariicda horumarinta warbaahinta.

“Shantii sano ee aan hogaaminayay ururkan waxaan xooga saarney in aan ku dadaalno Midnimada Saxafiyiinta Puntland, Tababaridooda iyo u qareemidooda Maanta waxaan rajaynayaa in madexda loo doortay ururka ay sii kordhiyaan islamarkaana ay halkaas ka sii amba-qaadaan hawsha ururku uu saxaafada Puntland u hayo” ayuu yiri Burhaan Axmed Daahir.

Faysal Khaliif Barre, guddoomiyaha cusub ee Ururka ayaa u mahadceliyay dhamaan ka qaybgalayaasha xafladan, wuxuuna tilmaamay in xilkan maanta lagu wareejiyay uu yahay mid culus oo waxqabad iyo dhabar adayg badan u baahan si la mid dadaalkii Masuuliyiintii ku wareejisay ee MAP.

“Xil culus ayaa naloo doortay waxaana rajaynayaa in aan horumar gaadhsiin doonno saxaafada Puntland kana shaqayn doono danaha wariyayaasha Puntland” ayuu yiri Faysal Khaliif Barre

Faadumo Maxamed Maxamuud, Xoghayaha guud ee Ururka MAP ayaa ina amuujisay dareen farxadeed oo la xiriira xilwareejinytan maanta, waxayna sheegtay in ay calaamad u tahay isku duubnida iyo guusha ay gaareen saxafiyiinta Puntland.

” Maanta waxay calaamad u tahay In saxafiyiinta Puntland ay guul gaareen oo ay u bislaadeen in ay ka shaqeeyaan horumarkooda” ayay tiri Faadumo.

Nuur Shire Cusmaan oo ah guddoomiyaha Dallada Ururada aan dawliga ahayn ee Puntland (PUNSAA) oo ka mid ah Khuburada dhinaca Saxaafada ah mudo badana ka shaqaynayay warbaahinta ayaa isna ka hadlay xafladan wuxuuna muujiyay dareen farxadeed oo ku aadan horumarka uu ururka sameeyay.

Guddoomiyuhu wuxuu ka hadlay arrimo farabadan oo la xiriira caqabadaha ay saxaafadu la kulanto inta ay ku gudajirto shaqada maalinlaha ah ee ay bulshada u hayso, wuxuuna ku baaqay in wadashaqaynta dawlada iyo warbaahinta la kobciyo, ururkanna shaqadiisa loo fududeeyo.

“Ururkan wuxuu muhiim u yahay dhamaan Bulshada rayidka ah, waxaan Dawlada ka rajaynaynaa in ay garab ka siiso hogaanka cusub in hawlahooda la fududeeyo si ay u gutaan waajibkooda, Suxufiyiintuna ay helaan jawi degan oo ay ku gutaan waajibaadkooda shaqo waana in laga daayaa Handadaada iyo Xadhiga aan laga fiirsan, Wasaaraduna waan in ay doorkan qaadataa oo ay fududaysaa” ayuu yiri Nuur Shire Cusmaan.

Cumar Axmed Maxamed oo ah Sarkaal ka tirsan Mashruuca Warbaahinta ee Hay’adda Relief International oo isna kalmad ka jeediyay xaflada ayaa sheegay in hay’addu ay wada shaqayn dhaw oo wanaagsan la leedahay Ururka Warbaahinta Puntland ee MAP oo si toos ah hay’adda ugala shaqeeyay, lana kaashanaysay hawlaha Horumarinta Warbaahinta Puntland laga soo bilaabo 2009kii.

“Ururka Warbaahinta Puntland ee MAP wuxuu door Muhim ah oo lama ilaawaan ah ka qaatay Hidisihii iyo Qorshihii ay hay’adda Relief International ku dhistay xarunta Tababarada Saxaafada ee ay ka hirgalisay xarunta Jaamcada PSU ee magaalada Garawe oo ay ku tababarteen saxafiyiin farabadan, noqontayna xaruntii ugu horaysay ee noocda Soomaaliya laga hirgaliyo” ayuu yiri Cumar Axmed Maxamed

Wasiirka Warfaafinta, ISgaarsiinta, Hidaha iyo Dhaqanka ee dawlada Puntland mudane C/wali Xirsi Cabdulle oo xafladan soo xiray ayaa ka dhawaajiyay in Wasaaradiisu ay wadashaqayn dhaw oo ka duwan tii hore la yeelanayso Warbaahinta Puntland iyo Ururka ay ku midoobeen ee MAP, islamarkaana ay dawladu la qaybsano Farxada ay maanta dareemayaan.

“Maanta waxaan idiin cadaynayaa in aad tihiin qayb ka tirsan Wasaarada, waliba qaybta ugu muhimsan ee Warfaafinta aad tihiin, Waxaan idiin cadaynayaa in MAP ay bixin doonto aqoonsiga saxafiga Puntland ka hawlagal oo ay soo xaqiijinayso xirfadiisa iyo aqoontiisa, kadibna wasaaradu ay u file-garayn doonto ducumintigaas MAP, hadii aqoonsiga lagala laabanayana ay MAP tahay cida awooda u yeelanaysa ee aysan wasaaradu ahayn, kaliya doorka wasaaradu wuxuu yahay in ogaysiin la siiyo, file-kii saxafigana Wasaarada laga helo” ayuu yiri Wasiir C/wali Xirsi.

Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yiri Wasiirku “Warbaahinta Puntland ha ogaato, Wasaaradu qareen ayay u tahay ee maahan cida la dagaalamaysa ama xirixiraysa ama waxyeelaysa, Waxaanu garab taaganahay Warbaahinta iyagaana u doodaynaa haduu alle idmo, Laakiin Warbaahiney idinkuna khaladaadka iska ilaaliya oo sumacadiina dhawrta”.

4tii August ee sanadkan 2014-ka ayay ahayd markii warbaahinta puntland ay dooratay hogaanka cusub ee Ururka Warbaahinta Puntland ee MAP kadib shirweynihii labaad ee ururka oo Garowe lagu qabtay.

Daawo Sawiradda xilwareejinta.

IMG_0057 IMG_0063 IMG_0080 IMG_0081 IMG_0092 IMG_0108 IMG_0112 IMG_0119 IMG_0128 IMG_0134 IMG_0147 IMG_0148 IMG_0179 IMG_0182 IMG_0187

Puntlandi.com- Garoowe.

Ururka Dhaqaatiirta Puntland oo kasoo horjeestay koox gaar ah oo sheegatay magaca dhaqaatiirta Soomaaliyeed

$
0
0

(Pi Garoowe) Ururka ay ku midaysan yihiin Dhaqaatiirta Puntland ayaa maanta kasoo horjeestay koox isku magacowday inay yihiin ururka dhaqaatiirta Soomaaliyeed oo Muqdisho fadhigoodu yahay.

Shir jiraa’id oo ay dhaqaatiirtu ku qabteen Garoowe ayay ku sheegeen ururkaan inuu yahay mid sharci darro ah oo huwan magac koox gaar ah, iyagoo sheegay inaysan wax shaqo ku lahayn cidii dhisatay.

Dr Cabdirisaaq Cartan Xassan oo gudoomiyaha 120 dhaqaatiir ah oo ka jira Puntland ayaa sheegay inaanan wax tashi ah lagala sameyn magacaabida ururkaan isagoo sheegay inay u arkaan mid laga leeyahay dano gaar ah oo ah in lagu qaraabto magaca dhaqaatiirta Soomaaliyeed.

540x304xvlcsnap-248594.png.pagespeed.ic.k1EwVDne-_

Dr ibraahim Obsiiye Cilmi oo katirsan ururka dhakhaatiirta Puntland ayaa dhankiisa sheegay inay tahay wax lalayaabo in cid walba isaga qaraabato magaca Soomaaliyeed. Wuxuuna kooxaha ku dhawaaqay  ururka dhaqaatiirta Soomaaliyeed kula taliyay inay ku ekaadaan oo kaliya Muqdisho maadaama aysan Soomaali oo dhan matali Karin islamarkaana ay badalaan magaca ay dusha saarteen.

540x304xvlcsnap-248673.png.pagespeed.ic.K35FcVbKhq

M ahan markii ugu horeysay oo sidaan oo kale ay dhacdo laakiin horey ayaa loo arkay ururka ganacsatada Soomaaliyeed, ururka haweenka Soomaaliyeed, ururka dhallinyarada Soomaaliyeed, ururka beeralayda Soomaaliyeed,  iyo kuwo kale oo badan oo dhammaantood kasoo wada jeeda hal koox.

Puntlando.com- Garoowe

 

Hambalyo Meher:-Cabdiqadar Cali Gaas Iyo Marwadiisa Khadro Jaamac Biixi oo Meherkooda 7.9.2014ka ka dhacay Wadanka Kenya Magaalada Nairobi

$
0
0
Waxaan hambalyo u diraynaa Boqorka iyo Boqorada, lamaanaha is mehersadey
Cabdiqadar Cali Gaas Iyo Marwadiisa Khadro Jaamac Biixi oo Meherkooda Maanta  7.9.2014ka ka dhacay Wadanka Kenya Magaalada Nairobi.
Waxaan leenahay noqda kuwii isku raaga oo isku raaya, ubad kheyr qabana kala hela, soo dedejiya arooskana.Waxaa Hanbalyadan Diraya.
 Aabo Cali Gaas Shiikh Axmed
-Hooyo Jawaahir Warsame Maxamuud
-Yaasiin Cali Gaas
-Liibaan Cali Gaas
-Amiin Cali Gaas
-Caasho Cali Gaas
-Amaal Cali Gaas
-Shukri Cali Gaas
-Fatxi Cali Gaas
-Deeqo Cali Gaas
Dhamaan Reer Cali Gaas Meel walba ay joogaan
- Adeer Cabdiweli Biixi Jaamac
- Adeer Cismaan Cabdi Maxamuud
-Eedo Bishaaro Xaashi
-Eedo Khadro Cabdi Maxamuud
-Eedo Xamdi Cabdulaahi Jaamac
-Abti Ibraahim Mire Aadan
-Abti Maxamed Mire Aadan
-Hooyo  Ismahaan Mire Aada
-Iimaan Cabdulaahi Xariir
-Farxiyo  Cali
-Yurub Jaamac
Puntlandi.com  Gaalkacyo
Gaalkacyo@puntlandi.com

Kulan lagu cambaareeynayay falkii foosha xumaa ee loo geystay oorida/xaaska Sarreeye Gaas Maxamed Abshir Muuse Haamaan oo maanta, taariikhdu tahay 07.09.2014, ka dhacay magaalada Helsinki, dalka Finland.

$
0
0

Magaalada Helsinki ee Dalka Finland aya lagu qabtey kulan lagu cambaaraynayay falkii Magaalada Muqdisho loogu geeystey Faadumo Maxamed Aadan (Calbeto) oo ah marwada Jen. Maxamed Abshir Muuse (Haamaan) falkaasoo ahaa isku day dil oo loogeystey Marwada inkastoo ay ka badbaadey dilkaas hadana waxaa soo gaarey dhawac wayn oo rasaastii lagu ridey ay qaarkood madaxa uga dhaceen, Jeneraal Maxamed Abshir Hmaan wuxuu kamid ahaa odayaasha ugu sumcad dheer una soo shaqeeyey qaranka Soomaaliyeed.

Falkaas wuxuushnimada ah ee sida xoogga leh loo cambaareeyey, wuxuu ka dhacday magaalada Muqdisho, taariikhdu markay ahayd 28.9.2014ka. Faadumo Maxamed Aadan ayaa Muqdisho u tagtay inay soo ceshato guri in muddo ah ka maqnaa oo uu haystay Jananka ka tirsan DF Soomaaliya. Waxay in muddo ah u dacwooneysey in gurigeeda loo soo celiyo. Haddaba maalinka falku dhacayo, iyadoo joogta gurigeeda guri u dhow ay ka degan tahay magaalada ayaa xabbad aan loo meeldayinnin lagu soo furay gurigii ay joogtay. Waxaana halkaas ku soo gaaray dhaawac halis ahaa ay sababeen xabbadahaas, Ilaahay amarkiisase kuma dhimannin.

Kulanka cambaaraynta ah ayaa lagu tilmaamay saddex qodob oo kala ah.

- Cambaareyn aynnu si wadajir loo cambaareeyo falkaas argaggixisada ah ee loo geeystay Marwo Faadumo;

- Mahadcelin iyo codsi ay qooyska marwada u dirayaan Dowlada Federaalka ah;

- In loo duceeyo inuu dhaawaceeda Ilaahay u fududeeyo, sidoo kalena loo dhaleeceeyo fal walboo kaa la mid ah ee dadka birmageeydada ah ee raadsanaya xuquuqdooda iyo hantidooda gaarka u ah loo geeysto.

Kaddib waxaa khudbado ka jeediyey kulanka MAsuuliyiinta Jaaliyad, waxay sheegeen falkaas inuu yahay fal ayaandarro ah oo Marwada loo geeystey. Waxay kale uu sheegeen in xubno ka tirsan masuuliyiinta Jaaliyada Puntland ee Finland ay la xiriiraan dalka Turkiga oo hadda lagu dabiiibinayo marwada dhibka soo gaaray, iyadoo hadda xaaladdeedu deggan tahay.

Intaas kaddib, waxaa hadalka qaatay Axmed Maxamed Aadan (Calbeto) oo ah marwada dhibka soo gaaray walaalkeed. Axmed ayaa ugu horreeyn sheegey inuu u mahadcelinayo walaalaha kulankan soo qabanqaabiyay ee Dalladda Ururrada Puntland iyo intii soo ajiibtay oo ka soo qaybgashay. Wuxuu ka sheekeeyey siduu shilka uu u dhacay iyo cidda geeysatay. Wuxuu sidoo kale sheegey inuu isagoo ku hadlaaya magaca reer Calbeto iyo kan reer Maxamed Abshir Haamaan ay u mahadcelinayaan xukuumadda DF Soomaaliya oo uu ugu horreeyo Ra’iisul Wasaaraha C/weli Shiikh Axmed iyo xubno xukuumaddiisa ka tirsan oo gargaar degdeg ah u fidiyey Marwo Faadumo markii shilku dhacay. Ugu dambeeyn, wuxuu DF Soomaaliya ka codsay in ay maxkamad soo taagto shaqsiga iyo dadka dembigaas ka dambeeyay oo ah kuwa la yaqaan oo magaalada si xornimo leh ku jooga, marka kalena wuxuu ka codsaday in DF ay ka caawiso sidii marwo Fadumo caafimadkeeda loola tacaali lahaa oo loogu qaadi lahaa waddammo wax ka qaban kara dhaawaceeda iyo xabbadda ku jirta madaxeeda.

Waxaa kale oo halkaas ka hadlay Guddoomiya Jaaliyadda Guud ee Soomaalida ee Finland Mudane Caarshe Saciid Aw-Muuse. Gudoomiyaha ayaa ka hadlay caddaaladarrada ka jirta dalka Soomaaliya inay tahay dhibka u weyn ee hortaagan nabadda dalka Soomaaliya. Wuxuu kale oo uu cambaareeyey falka soo gaaray marwo Faadumo.

Dhanka dumarka waxaa u hadashay aqoonyahanad Fartuun Maxamed Ciise Ilgiir. Fartuun ayaa aad u cambaareeysey falalka fooshaxun ee loogu geeysto haweenka Soomaaliyeed, gaar ahaan magaalada Muqdisho, iyadoo aan loo kala reebin hooyo, xildhibaanad iyo xitaa haweenka dhulka xaaqa oo masaakiinta ah oo dhawr jeer qarax lala beegsaday. Waxay ku eedeysay dowlad walba oo Soomaaliya timaadda inay ka soo bixi weydo ilaalinta xuquuqda haweenka iyo carruurta. Waxay tiri: ”Intaas dowlad baa dhalatay baa nala yiraahdaa, yey u dhalatay dowladda, mar hadii haweenkii iyo hooyooyinkii Soomaaliyeed si arxandarro ah loo weerarayo, mar koowaad iyo mar labaad dowladda Soomaaliya waxaan ka codsanaynnaa in ay si gaar ah u ilaaliso xuquuqda haweenka iyo carruurta Soomaaliyeed”.

Waxaa kale oo halkaas khudbado cambaareeyn iyo duco ku socota marwada dhibka soo gaaray ka soo jeediyay odayaal iyo indheergarad ka tirsan jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Finland, kuwaasoo ay ugu horreeyaan Ugaas Khaliif, Oday Maxamed Muuse, C/qaadir Warsame, Oday Axmadey, C/salaam Ismacil Faahiye, C/risaaq Maxamed Cali dhalac, Maxamud Cabdul Maxamuud Gureey, C/salaam Siciid Faarax Cadde.

Sawirada hoos ka daawo

0

½5

2

3

4

5

6

7

8

9

11

12

13

16

44

10580354_10152667236982674_1437104675_n
00

(Dhageyso) Wasaaradda ganacsiga dowladda Puntland oo ku dhawaaqday inay kala dirtay rugta ganacsiga iyo warshaddaha Puntland

$
0
0

(Pi Garoowe) Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshaddaha Dawladda Puntland ayaa ku dhawaaqday inay kala dirtay guddigii rugta ganacsiga iyo warshaddaha Puntland

Wasiirka ganacsiga iyo warshaddaha dowladda Puntland Maxamed Xassan Soocade oo wareysi siiyay Radio Daljir ayaa sheegay guddigaan  in 14 bilood kahor laga joogo xilligii la qaban lahaa doorashadooda.Wuxuuna sheegay in loo baahan yahay in la qabto dooarsho guud oo xubnaha guddiga lagu dooranayo.

Wuxuu sheegay wasiir Soocade in wasaaradiisu qorshaynayso samaynta guddigii doorashada Rugta Ganacsiga Iyo Warshadaha islamarkaana ay doorashadu qabsoomi doonto 10-ka bisha November ee sanadkaan.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Punltnad ayaa ganacsatada reer Puntlnad ayaa ugu baaqday inay u diyaar-garoobaan doorashada Rugta bisha November, waxaana wasiirku caddeeyay in xilka guddiga Rugta Ganacsiga iyo Warshada uu usii hayn-doono Xog’hayaha Guud ee Guddiga Rugta.

Dhinaca kale gudoomiyaha rugta ganacsiga Puntland Siciid Xuseen Ciid oo kahadlay go’aanka wasiirka ayaa sheegay rugtooda inay tahay mid madaxbanaan oo hoostagta madaxweynaha dowladda Puntland, Wuxuuna sheegay inuu ka xun  yahay hadalka wasiirka kasoo yeeray.

Ciid wuxuu sheegay sababta ay u dib ugu dhacday doorashadooda inay tahay iyadoo la waayay dhaqaale lagu qabto doorashada. Balse ahaatan wuxuu sheegay inay dhawaan qabanayaan doorashada xubnaha guddiga.

Halkaan ka dhageys codka wasiirka.

Puntlandi.com- Garoowe.

 

 

 

Viewing all 12512 articles
Browse latest View live