R/wasaarihii hore ee DKMG ee lagu soo dhisay Carta, Jabuuti haddana ka mid ah xildhibaanada qaranka DF ee Somalia Prof. Cali Khaliif Galeyr ayaa sheegay inuu jiro iskaashi siyaasadeed oo ka dhexeeya Al-Shabaab iyo xukuumada Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud oo ku’ aadan la dagaalanka maamulka Jubaland e uu hogaamiyo madaxweyne Axmed Madoowe.
Xildhabaan Galeyr wuxuu hadalkiisa uu ku sheegey in madaxda dowladaha Maraykanka iyo Ingriiska ay ogaaden waddada uu madaxweynaha u qaadey arrimaha gobolada Jubbaland isagoona gacan saar kala yeeshey kooxda nabad diidka ee Al-Shabaab, taaso sida uu sheegey ay ogaaden sirdoonka dalalkaas ay ku leeyihiin gudaha Soomaaliya.
Ma ahan heblaayo warkaas soo sheegtay ee waxaa dhab ah, war sugan oo telefoono lagu wada hadlayo, niman xitaa Shabaabka ka mid ah oo ayagu see sheegayaan la shaqeeya oo wararka u soo tabiya iyo rag dowladda ka mid ah “ayuu yiri Prof. Galayr.
Todobaadkii hore ayay ahayd markii R/wasaarihii hore ee Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geedi oo ku eedeeyey dowladda Federaalka inay 3 nin la wareegen, ilsamarkaana ay jabisay dastuurkii lagu heshiiyay , ayna ku guul daraysatay arimaha amaanka.
Prof. Galayr ayaa wareysigiisa wuxuu kaloo ku sheegay in madaxweyne Xasan Shiikh loo diiday inuu ka qayb galo shirkii G8 ee ka dhacayey Irland taasoo uu madaxweyne Xasan Sheekh uu haystay casuumaad laakiin loo sababeeyay inuu gacan saar hoose la yeeshay Al-Shabaab.
Wareysiga Xildhabaan Galayer ayaa ah wareysi dheer oo ka hadlaaya waxyaabo badan oo ay ka mid yihiin Mooshinkii xukuumadda Shirdoon, heshiiskii Ankara ee maamulka Somaliland iyo Dowladda Somalia iyo musuqmaasuqii lagu eedeeyay dowladda DF ee Monitroring Group iyo Dastuurkii wax laga badalay, wareysiga ayaa ah dhowr qaybood.
Mudane Galayr wuxuu kaloo kashifay in madaxweyne Xasan Sheekh iyo guddomiyaha BF Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ay labaduba ka soo horjeedeen Dastuurka Federaalka ee KMG intaanan la ansixin, sabataana hadda looga shakisan yahay inay laaleen wixii lagu soo heshiiyay iyo in dalka uu qaato nidaamka federaalka.
Ilaa iyo hadda wax jawaab ah kama soo bixin xaruunta Villa Somalia oo ku saabsan sirtaan uu xildhabaanka kashifay.