Wasaaradda Caafimaadka ee Puntland waxa ay ka bilaabi doonta deegaanadda Puntland wajigi lixaad ee talaalka Cudurka Dabaysha.
Caruurta ka yar tobanka Sano ee Puntland ku nool ayaa laga taali doona cudurka Dabaysha kadib marki ay si korartey khatarta cudurka Dabaysha sida uu maanta sheegey wasiirka Caafimaadka Puntland Cali Cabdulaahi Warsame oo shir jara’id saxafadda ugu qabtey xarunta wasaaradda.
Dr Cali Cabdulaahi waxa uu sidoo kale fariin u direy waalidiinta caruurta dhaley isaga oo ugu baaqaya in ay fahmaan ahmiyadda iyo faa’idaada uu leeyahey talaalkan,waxaana uu tilmaamey in cudurka dabaysha uu yahey mid dilaa ah oo loo baahan yahey in caruurta laga talaalo.
Gobolka Sool ayaa horey loogu arkey cudurka dabaysha qof qaba waxaana xiligaasi wasaaradu bilowdey juhdi dheeraad ah oo ka dhan ah ciribtirka cudurka Dabaysha ee Puntland.
Hay’adda Caafimaadka aduunka ee WHO waxa ay kol hore ku sheegtey warbixin ay soo saartey in goboladda Soomaaliya qaybtood lagu arkey cudurkan oo ah mid dilaa ah.
Xafiiska Puntlandi ee Garowe.